4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 16, 2018
Ciidamada Kenya oo sheegay in ay ka hortageen weerar ay qorsheynayeen Al-shabaab

 

Jimco, Maarso, 16, 2018 (HOL) – Ciidamada dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay Hub, Walxaha qarxa iyo qaar ka mid ah Raggii watay oo la sheegay in ay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab.

Joseph Boinne taliyaha ciidamada Booliiska Kenya ayaa sheegay in ay qalabkani ku soo qabteen howlgallo ballaaran oo ka dhacay Hoteel ku yaalla magaalada Nairobi iyo degaanka Merti oo ka tirsan gobolka Isiolo, isagoo sheegay in gaariga waday uu ahaa mid diiwaan-gashan.

Ciidamada Booliska Kenya ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay aaladaha laga sameeyo walxaha qarxa, Shan Qoryaha AK 47 ah, 1,099 Rasaas ah, 36 Qasnadood oo buuxa iyo qalab kale.

Joseph Boinne ayaa xusay in hubka ay soo qabteen ku jiraan 80-Kg oo ah maadada qaraxda ee TNT loo yaqaano taas oo uu tilmaamay haddii qarax loo adeegsan lahaa ay galaafan lahayd nolosha Boqolaal shacab ah, sidoo kalena ay bur burin laheyd dhismayaal badan.

Ciidamada Booliiska ayaa xabsiga dhigay, Cabdi Majiid Aadan, oo 24 jir ah, iyo Maxamed Nane, kaddib markii lala xiriiriyay in ay ka dambeeyeen weerarkan fashilmay, waxaan ay howl wadeennada ay jiifeen Hoteelka oo ka soo horjeeda Saldhigga Booliska Nairobi, iyaga oo dhawaan raggan u safray deegaanka uu howl-galku ka dhacay ee Merti oo ka tirsan Isiolo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]