Jimco, Maarso, 16, 2018 (HOL) – Xarunta Villa Hargeysa
ayaa maanta kulan ku yeeshey xildhibaanno ka tirsan Golaha shacabka iyo guddiga
joogtada baarlamaanka oo su’aalo laga weydiinayay sida ay ku buriyeen
mooshinkii laga keenay guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.
Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa hadalo ka
jeediyay xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka oo mid walba oo ka mid ah cabiray
aragtidiisa Mooshinka, hasse ahaatee mar marka qaar kulanka ayaa isku badalayay
sawaxan iyo qeylo iyo xildhibaannada qaarkood faraha isku taag-taagaan.
Xildhibaannada ayaa wali u muuqda kuwa siweyn ugu kala
aragti duwan mooshinka oo ah mid xitaa ay ku kala qeybsameen guddoonka sare ee
Golaha Shacabka.
Guddiga joogtada ah ee baarlamaanka ayaa sheegay in
guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Cabdiwali Sheekh Muudeey oo ay wax
ka weydiiyeen in uu faah faahin dheeraad
ah ka bixiyeen uu sheegay in kaliya in 91 xildhibaan uu hayo oo ku saxiixan
mooshinkan 16 ka kalana ay ka laabteen.
Waxa ay sheegeen in arrintaasi darteed ay u buriyeen Mooshinka, maadaama
uusan sharci aheyn, balse waxaa ay tilmaameen in ay qalad aheyd in guddoomiye
Muudey uu warbaahinta la hadlo, isaga oo sharci ku tilmaamaya mooshinka.
Sabtida maalinta Beri ah ayaa loo balansan yahay in xildhibaannadu
shirkoodii caadiga ahaa ku yeesheen xarunta golaha shacabka, lamana oga sida uu
xaalku noqon doono.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]