4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 16, 2018
Soomaaliya oo kaalinta 6aad ka gashay wadamada ugu farxada badan qaarada Africa

 

Jimco, Maarso, 16, 2018 (HOL) – Qiimeyn ay sameysay hay’adda Qaramada Midoobey ee International Happiness ayaa lagu sheegay in Soomaaliya kaalinta Lixaad uga jirto guud ahaan Qarada Africa wadamada dadkeedu ugu farxada badan yihiin, halka dunida oo dhanna Soomaaliya ay kaga jirto kaalida 98aad.

Wadamada Qaarada ayaa sidan kaalimaha ugu kala horeeya Mauritius,Libya, Algeria, Morocco, Nigeria, Somalia, Cameroon, Gabon, South Africa, Ivory Coast.

Illaa iyo 156 dal ayaa warbixinta sanadkan lagu shaaciyay sida ay u kala galeen kaalimaha iyadoo la eegayo inta qofka uu noolaan karo,xoriyada,musuqmaasuqa, waxaana ugu horeeyay dalka Finland.

10ka Wadan ee liiska ugu hooseeya ku jira ayaa kala ah, Malawi, Haiti, Liberia, Syria, Rwanda, Yemen, Tanzania, South Sudan, Central African, Republic, iyo Burundi.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]