4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 16, 2018
Ra’iisal wasaare Kheyre oo xalay kormeeray degmada Hilliwaa

 

Jimco, Maarso, 16, 2018 (HOL) – Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya  Xasan Cali Khayre iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow ayaa xalay waqti dambe kormeer amni ku tagay degmada Hilliwaa ee gobolka Banaadir.

Kormaarka Ra’iisul Wasaaraha sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya, qaar ka tirsan guddoomiyeyaasha degmooyinka oo uu ugu horeeyo guddoomiyaha degmada Hilliwaa iyo Saraakiil kale oo ciidan.

Ka hor inta uusan Ra’iisul Wasaaraha bilaabin kormeerkiisa ayaa waxaa ciidamo badan oo ka tirsan dowladda federaalka lagu daadiyay dhammaan xaafadaha ay ka kooban tahay degmada iyo wadooyinka waa-weyn, kuwaasi oo ammaanka xaqiijinayay inta uu kormeerka socday, si aysan u dhicin arbushaad.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa kormeer ku tagay baraha Kontorool ee ciidamada dowladda ay ku leeyihiin gudaha degmadaasi iyo xarunta degmada, waxayna ciidamada xilligaasi ku guda jireen howlahooda shaqo.

“In Habeen Saq-dhexe ah aan joogno degmada Hilliwaa waxa ay ka dhigan tahay nabadda oo ku sii baaheysa guud ahaan dalka, waxaan diyaar u nahay in har iyo habeen aan u shaqeyno shacabka Soomaaliyeed, Saraakiisha iyo ciidamada waxaan ku dhiiragelinayaa in ay kordhiyaan waajibaadkooda, maxaa yeelay shacabka adinka ayay idinku seexdaan” ayuu yiri Khayre.

Raiisul Wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Khayre, ayaa 14-kii bishan xilli habeen ah ka baaqday kormeer uu doonayay inuu ku maro Isgoysyo ka mid ah magaalada Muqdisho, kaddib markii ay soo kordheen arrimo xasaasi ah oo Siyaasadeed.

Khayre ayaa balamiyay Suxufiyiinta, waxaana loo sheegay Wariyeyaasha in uu Kormeer sameynayo Khayre, sidaasi awgeedna 12:00 habeenimo ayaa Suxufiyiinta la isugu geeyay Daljirka Daahsoon, halkaasi oo lagu diyaariyay gaadiid badan oo qayb ka noqon lahaa kormeerka Ra’iisul Wasaare Khayre.

Intaasi kaddib ayaa Suxufiyiinta waxaa loo sheegay saacad kadib inuu baaqday kormeerkii Ra’iisul Wasaaraha, kaddib markii la helay xogta ku aadan xildhibaano waday abaabul Mooshin ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]