3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 16, 2018
Bamgacmeed xalay lagu weeraray ciidamo ku sugnaa dekedda Boosaaso

 

Jimco, Maarso, 16, 2018 (HOL) – Warar ka imanaya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in kooxo aan la garaneynin Bamgacmeed ku weerareen ciidamo ka tirsanaa ilaalada Dekedda.

Inta la xaqiijiyay Hal Askari iyo qof shacab ah ayaa geeryooday weerarka Bambaanno, waxaa kaloo dhaawac uu soo gaaray Saddex qof shacab ah.

Marka laga soo tago weerarka xalay ka dhacay degmada, dhinaca kale maalintii shalay ayeey aheyd markii bartamaha magaalada lagu toogtay ilaa Saddex qof oo  mid ka mid ah uu aha Askari , mas’uuliyadda dilkaasi waxaa sheegtay xoogaga Ururka Al-shabaab.

Hay’adaha ammaanka Puntland gaar ahaan kuwa ka howlgala magaalada Boosaaso ayaa u muuqda kuwo gabay shaqadooda, maadaama maalin cad koox hubeysan ay dil ka geysanayaan magaalada, kadibna baxsanayaan.

Ammaanka magaalada Boosaaso ayaa maalmahan ah mid faraha ka sii baxaya, kaddib markii ay kordheen dilalka Qorsheysan ee ay geysanayeen ururka Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
3/16/2018 1:33 PM EST
Jimco, Maarso, 16, 2018 (HOL)–Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo goor dhaw shir jaar’id qabtay ayaa sheegay in Ciidamo ka amar qaata ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre uu xoog kula wareegeen xaruntii Golaha Shacabka.

3/16/2018 12:28 PM EST
Jimco, Maarso, 16, 2018 (HOL)–Ciidamada ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa goor dhaw la wareegey xarunta Golaha Shacabka sida uu Hiiraan Online u sheegay goor dhaw Xog-hayaha guud ee baarlamaanka Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux.

3/16/2018 11:11 AM EST
Jimco, Maarso, 16, 2018 (HOL)–Inta la xaqiijinayo 7 ruux oo dhinacyadii dagaaalamay ka kala tirsan ayaa ku dhintay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen, kadib markii uu dagaal ku dhex maray qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan Al-Shabaab iyo dad xoolo dhaqto u badnaa.

3/16/2018 10:51 AM EST
Jimco, Maarso, 16, 2018 (HOL)–Ciidamada dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay Hub, Walxaha qarxa iyo qaar ka mid ah Raggii watay oo la sheegay in ay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab.

3/16/2018 10:04 AM EST
Jimco, Maarso, 16, 2018 (HOL) – Xarunta Villa Hargeysa ayaa maanta kulan ku yeeshey xildhibaanno ka tirsan Golaha shacabka iyo guddiga joogtada baarlamaanka oo su’aalo laga weydiinayay sida ay ku buriyeen mooshinkii laga keenay guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

3/16/2018 7:39 AM EST
Jimco, Maarso, 16, 2018 (HOL)–Dawladda Sacuudi Carabiya ayaa ku goodiday in ay samaysan doonto hub nukliyeer ah haddii Iiraan oo ay gobolka isku hayaan ay samaysato hubkaas.

3/16/2018 5:19 AM EST
Jimco, Maarso, 16, 2018 (HOL)–Qiimeyn ay sameysay hay’adda Qaramada Midoobey ee International Happiness ayaa lagu sheegay in Soomaaliya kaalinta Lixaad uga jirto guud ahaan Qarada Africa wadamada dadkeedu ugu farxada badan yihiin, halka dunida oo dhanna Soomaaliya ay kaga jirto kaalida 98aad.

3/16/2018 3:00 AM EST
Jimco, Maarso, 16, 2018 (HOL)–Rwanda ayaa ka mamnuucday Maasjida caasimada Kigali codbaahiyaha xiliga Salaada guud ahaan Maasjida caasimada, iyaga oo arintaan ku micneeyay in ay dhibaato ku tahay dadka deegaanka.

3/16/2018 2:12 AM EST
Jimco, Maarso, 16, 2018 (HOL)–Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow ayaa xalay waqti dambe kormeer amni ku tagay degmada Hilliwaa ee gobolka Banaadir.

3/16/2018 2:02 AM EST
Jimco, Maarso 16, 2018 (HOL) – Dowladda Qatar ayaa khamiistii warqad cabasho ah u gudbisay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, taa oo ay uga cabanayeen in dalka isu tagga imaaraadka Carabta uu ku xad gudbay hawadooda.

3/16/2018 1:56 AM EST
Jimco, Maarso, 16, 2018 (HOL) – Sida lagu daabacay Wakaalada Wararka Reuters dowladda Imaaraadka Carabta ayaa lagu wadaa in ay tababar siiso ciidamada Somaliland, arintan oo qeyb ka ah sida uu sheegay madaxweyne Muuse Biixi heshiiska lagu dhisayo Saldhigga Milateri ee Imaaraadka Carabta ka sameynayo Berbera.