4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 15, 2018
Madaxweyne Waare oo la kulmay wafdi ka socda midowga Yurub


Khamiis, Maarso, 15, 2017 (HOL) -  Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa kulan Magaalada Jowhar ee xarunta dowladda Hirshabelle kula qaatay Wafdi sare oo ka socda Midowga Yurub, kuwaasi oo maanta soo gaaray Magaalada, waxaana ay ka wada hadleen arrimo kale duwan oo la xiriira Horumarinta iyo taageerada ay ugu baahantahay midowga Yurub.

Kulanka ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehlinyay qaar ka mid ah golaha Wasiirada Hirshabelle, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, iyo saraakiisha ciidamada Booliiska, Waxaana Madaxweynaha uu warbixin ka siiyay Wafdiga dadaalada ay ku doonayaan xaqiijinta ammaanka iyo bilowga dhismaha ciidamada Booliiska Hirshabeelle oo dhismihiisa ay ka qeyb qaadanayaan midowga Yurub, waxaana uu carabka ku adkeeyay in muhiim ay tahay in ay iska kaashadaan dardargalinta dhismaha iyo horumarinta ciidanka si ay u xaqiijiyaan ammaanka deegaannada Hirshabeelle, sidoo kale waxaa uu kaga mahad-celiyay Midowga Taageeradooda Soomaaliya gaar ahaan taageerada ay siinayaan Hirshabeelle.

Madaxa Wafdiga Midowga Yurub ee soo gaaray magaalada Jowhar  Patrick ayaa Madaxweynaha dowladda Hirshabelle kaga mahadceliyay soo dhoweynta loo sameeyay, waxaana uu ku ammaanay dadaalka uu ugu jira dhismaha iyo horumarinta Hirshabeelle, waxaana ka midowga Yurub ahaan uu balanqaaday in ay  ka saacidayaan dhinacyada Ammaanka dhisida ciidamada Booliis Hirshabeelle, Horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, caafimaadka waxbarashada, iyo arrimo kale.

Kulanka Kaddib ayaa Madaxweynaha dowladda Hirshabeelle Dr Maxamed Waare Iyo Madaxa Wafdiga Midowga Yurub Patrick ayaa dhagax dhigay dugsiga tababarka ciidamada Booliiska Hirshabeelle ee Magaalada Jowhar kaasi oo lagu tababari doono Ciidamo ay yeelato Hirshabelle, waxaana dhismihiisa uu bilowday isla maanta, waxaana Bisha April uu tababar ugu Furmi doonaa Dufcadii ugu horeysay Ciidanka Boliska Hirshabelle. 

Madaxa Midowga Yurub oo dhagax dhiga kaddib hadlay ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay in uu yimaado Magaalada Jowhar islamarkaana la kulmo madaxda dowladda Hirshabelle, kalana hadlaan dhisida Ciidanka goob joogna uu ka noqdo dhagax dhiga dugsiga Tababarka  ciidamada Booliiska Hirshabeelle oo uu rajeynayo in ay ka aflaxaan ciidamo ka shaqeeya xaqiijinta ammaanka awoodna u yeesha in ay ka hortagaan falalka Amni daro.

“Aad bay farxad ii galineysaa sal u dhigida bilowga dhisida ciidamada Boliiska Hirshabelle oo kaalin libaax leh ka qaadan doona sugida ammaanka ka hortaga falalka guracan ee Kooxaha Nabad diidka, Midowga Yurub wuxuu xooga saari doonaa taageerada uu siinayo Soomaaliya gaar ahaan Hirshabelle, Madaxweyne Waan kugu boorinayaa kaalinta aad ka qaadaneyso Horumarinta Dowlad Goboleedka Hirshabelle Guul iyo Horumar ayaan idiin rajeynayaa” Ayuu Yiri Madax Wafdiga Midowga Yurub Patrick.

Sidoo Kale Madaxweynaha dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa dhankiisa kaga mahad-celiyay Midowga Yurub dadaalkooda ku aadan horumarinta iyo garab istaaga Soomaaliya, waxaana ku ammaanay sida ay u garabtaaganyihiin oo ay ka caawinayaan dhismaha ciidanka Booliiska Hirshabeelle, isagoo ku tilmaamay dhagax dhiga dugsigani uu ka turjumayo sida ay isugu howlayaan in laga shaqeeyo xaqiijinta iyo sugida ammaanka.

“ Dugsigani Maanta aan dhagax dhignay waxa uu qeyb ka yahay dadaalada aan ku dooneyno horumarinta Dhinacyada ammaanka, Iyo Horumarinta Hirshabelle, waxaana bisha soo socota ee April halkani uu tababar uu ugu furmi doonaa dufcadii ugu horeysay ciidamo Boliis ah uu yeesho Maamulka Hirshabelle, si ay u hantiyaan Ammaanka kana shaqeeyaan ilaalinta Sharciga Boliiska Waa Saaxiibka Bulshada waxa uu si dhow ula shaqeyn doonaa Bulshada”. ayuu hadalkiisa sii raaciyay Madaxweynaha dowladda Hirshabeelle Dr Maxamed Cabdi Waare.

Madaxweynaha dowladda Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa mudada xafiiska uu joogo waxa uu dhagax dhigay ilaa dhowr mashruuc oo lagu horumarinayo Hirshabelle, waxaana dadaal uu ugu jiraa  sal u dhigida Maamulka dowliga Ah iyo ka hortaga Musuq Maasuqa Baahinta iyo daadajinta maamulka Miyi  magaalo, iyo xoreynta deegaannada Hirshabelle.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]