Khamiis, Maarso, 15, 2018 (HOL) - Dowladda Libya ayaa amartay xarigga 205
qof oo u isugu jira dad u dhashay dalkaasi iyo ajaanib looga shakisan yahay inay
ku lug lahaayeen shabakad dadka u tahriibisa Yurub.
Eedeymaha loo haysto dadkan ayaa isugu jira Tanriibinta dadka, Jirdil, Dil
iyo Kufsi.
Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Libya ayaa sheegay in shabakaddu ay ka
tirsan yihiin xubno laamaha ammaanka ka howlgala, madaxda xeryaha lagu hayo
tahriibayaasha, iyo saraakiil ka tirsan safaaradaha Africa ee Libya.
Libya ayaa ku jirta xaalad qasan tan iyo intii uu dhacay xukunkii Muammar
Gaddafi sanadkii 2011.
Awoodda dalka ayaa waxaa haya maleeshiyo kala duwan iyo labo dowladood oo
mucaarad ah, taas oo suurto gelisay in howlaha sharci darrada ah ay ka dhaqan
galaan dalkaas.
Dalkaasi ayaa noqoday udub dhexaadka boqollaal kun oo tahriibayaal ka soo
jeeda waddamada saxaraha ka hooseeya oo isku dayaya inay gaaraan Yurub iyagoo
badda sii maraya.
Baaritaannada shabakadda dadka tahriibisa ayay Libya kala kaashatay
Talyaaniga.
Agaasimaha xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee baaritaannada, Seddik al-Sour,
ayaa sheegay in saraakiil badan oo ka tirsan waaxda socdaalka lagu helay inay
ku lug leeyihiin shabakaddan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]