4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 15, 2018
Cabdiwali Muudeey : Mooshinka laga keenay Jawaari waa sharci, wuuna dhaqan-galay

 

Khamiis, Maarso, 15, 2018 (HOL) – Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Muudeey oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu sharci yahay mooshinka laga keenay guddoomiyaha baarlamaanka Prof Jawaari, sidaana uu ku dhaqan galay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaari oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in mooshinkii laga keenay uu buray, Sabtida wixii ka dambeeyana ay bilaabanayaan Howlaha Baarlamaanka.

Balse guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Soomaaliya Cabdiwali Muudeey ayaa sheegay in mooshinka uu dhaqan-gal noqday wixii ka danbeeyay markii uu saxiixay, islamarkaana la hubiyay sharci ahaanshihiisa.

“Mooshinka laga keenay guddoomiyaha Baarlamaanka, waxaa ii keenay Xildhibaanno, wuxuuna sharci noqday markii aan saxiixay, oo aan fiiriyay sharciyadiisa inay dhameystiran tahay, Guddiga Joogtada u yeeristiisa anigaa is ka leh, mar hadaan aniga u yeerin sharci ma aheyn in uu fariisto, mar hadii Guddoomiyaha mooshin laga keenay, taasna muran kamaba jiro.” ayuu yiri Cabdiwali Muudey.

Guddiga joogtada ah ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa fadhi ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxaa ay ku sheegeen in dhinaca sharciga uu mooshinkaa ku bur buray, madaama sida ay hadalka u dhigeen uu waayay Kooramkii loo baahnaa in uu sharci ku noqdo.

Guddoonka baarlamaanka ayaa hadda u muuqda mid labo garab u kala jabay, waxaana muuqata in arimuhu yihiin kuwo siyaasadeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]