4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 14, 2018
Mooshinkii laga keenay guddoomiye Jawaari oo hab sharci ah ku bur buray

 

Arbaco, Maarso, 14, 2018 (HOL) –Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Cabdikariin Xaaji  Cabdi Buux ayaa sheegay in mooshinkii laga keenay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaari uu ku buray dhinaca sharciga, madaama xildhibaannadu buuxin waayeen tiradii loo baahna.

‘’Mooshinka markii hore waxaa soo gudbisay 107 xildhibaan waxaa markii danbe ka noqday oo isaga baxay 16 xildhibaan sidaa waxaa ku soo haray 91 mudane, waxaana sida uu sharcigu qabaa in mooshinka ay soo gudbi karaan 92 xildhibaan, sidaa ayuu ku buray mooshinkii laga keenay guddoomiyaha baarlamaanka ayuu yiri’’ Xogyahaha Golaha Shacabka.

Xiliga uu shirka jaraa’id qabanaya xoghayaha waxaa garab fadhiyay guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad.

Laakiin ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Cabdiwali Sheekh Mudeey oo la sheegay in uu qabtay mooshinka ka dhanka ah guddoomiyaha baarlamaanka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]