3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 14, 2018
Guddiga joogtada ah ee baarlamaanka oo kulan deg deg ah yeelanaya

 

Arbaco, Maarso, 14, 2018 (HOL) - Iyadoo uu soconayo olole xoog leh oo ka dhan ah guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaari oo ay mooshin ka gudbiyeen tiro ka badan 100 xildhibaan, ayaa dhinaca kale saacadaha soo socda la filayaa in kulan deg deg ah ku yeeshaan xarunta Villa Hargeysa guddiyada joogtada ah ee baarlamaanka.,

Kulanka Guddiga Joogtada ayaa la sheegay in looga hadli doono sida laga yeelayo Mooshinka laga keenay Jawaari, waxaana Guddiga ka arrinsan doonaa in mooshinka loo gudbayo Baarlamaanka iyo in kale, iyadoo ay u baahan tahay in marka hore uu isku raaco.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu waramayaa in uu kulamo gooni gooni ah la leeyahay xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ka mid ah mudanayaasha mooshinka saxiixay ayaa ku eedeeyay guddoomiye Jawaari uu golaha baarlamaanka Soomaaliya uu dhigey sida uu hadalka u yiri ''Madal uu isaga gaar u leeyahay'' sidaa daraadeed xildhibaannadu go'aan ku gaareen in ay kalsoonida kala noqdaan.

Mooshinkan laga keenay guddoomiye Jawaari oo ah mid aan horeyba loo fileyn, ayaa imanaya xili dhinaca kale dowladda Soomaaliya ku howlan tahay xiisada ka dhalatay arinta heshiiskii dekedda Berbera.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
3/14/2018 12:30 PM EST
Arbaco, Maarso, 14, 2018 (HOL) –Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaari oo ka hadlay mooshin ay ka soo gudbiyeen xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, ayaa ku baaqay in la ilaaliyo midnimada baarlamaanka, isaga oo dhinaca kalana sheegay in Mooshinkii laga keenay uu buray.

3/14/2018 12:11 PM EST
Arbaco, Maarso, 14, 2018 (HOL) –Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Cabdikariin Xaaji Buux ayaa sheegay in mooshinkii laga keenay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaari uu ku buray dhinaca sharciga, madaama xildhibaannadu buuxin waayeen tiradii loo baahna.

3/14/2018 9:52 AM EST
Arbaco, Maarso, 14, 2018 (HOL) –Xildhibaannada Aqalka sare ayaa lagu waramayaa in ugu danbeyntii ay kula tageen kulan muddo dheer qaatey oo looga dooddayay go’aanka Aqalka sare uu ka qaadanayo Xeerkii maalin ka hor xildhibaannada Golaha shacabka isku raaceen ee ka dhanka ahaa shirkadda DP World.

3/14/2018 9:30 AM EST
Arbaco, Maarso, 14, 2018 (HOL)–Bishii August ee sanadkii hore ee 2017, ayeey aheyd markii weerar bambaano loo geystay Masjid ku yaalla gobolka Minnisota oo lagu magacaabo Daarul Faaruuq.

3/14/2018 7:02 AM EST
Arbaco, Maarso, 14, 2018 (HOL)–Waxaa sii xoogeysanaya khilaafka ka dhashay mooshin xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ka gudbiyeen guddoomiyaha Golaha Shacabka Prof Maxamed Cismaan Jawaari.

3/14/2018 4:30 AM EST
Arbaco, Maarso, 14, 2018 (HOL)-Magaalada Muqdisho waxaa goor dhaw oo maanta soo gaaray qeybtii saddexaad maxaabiis laga keenay dalka, kuwaa oo soo deyntooda dadaal dheeraad ah u ku bixisay dowladda Soomaaliya.

3/14/2018 2:09 AM EST
Arbaco, Maarso, 14, 2018 (HOL)-Danjiraha midowga Africa ee Soomaaliya Francisco Madeira ayaa maamul goboleedyada Soomaaliya ugu Baaqay in ay kordhiyaan Dagaalka ka dhan ka ah Al-shabaab.

3/14/2018 1:53 AM EST
Arbaco, Maarso, 14, 2018 (HOL)-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Cabdiraxmaan Daahir Cismaan ayaa ka qeybgalay munaasabad ay heshiis kula saxiixanayeen maamulka gobolka Banaadir, sidoo kale waxaa munaasabada ka qeybgalay guddoomiyaha gobolka Banadir C/raxmaan Cumar Cusmaan Yarisoow.

3/14/2018 1:29 AM EST
Arbaco, Maarso, 14, 2018 (HOL)-Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo Al-shabaab ku dhaxmaray deegaanno hoostaga gobolka Bakool, gaar ahaan deegaanka Dudumaale oo 30-KM u jira degmada Xudur.

3/14/2018 1:11 AM EST
Arbaco, Maarso, 14, 2018 (HOL)-Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka ayaa mooshin ka dhan ah guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaari u gudbiyay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka.

3/14/2018 12:59 AM EST
Arbaco, Maarso, 14, 2018 (HOL)-Mudanayaasha golaha Aqalka sare ee Soomaliya ayaa lagu wadaa in fadhigooda ay maanta uga doodaan xeerkii maalin ka hor soo meelmariyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka ee ku aadanaa in dalka laga mamnuucay Shirkadda DP World.