Arbaco, Maarso, 14, 2018 (HOL) -
Magaalada Muqdisho waxaa goor dhaw oo maanta soo gaaray qeybtii saddexaad
maxaabiis laga keenay dalka, kuwaa oo soo deyntooda dadaal dheeraad ah u ku
bixisay dowladda Soomaaliya.
Maxaabiistaan ayaa tiradooda waxaa ay gaareysaa illaa 14 dhalinyaro ah oo
doortay in dalka dib ugu soo laabtaan iyadoo tiro kale oo dhalinyaro ah iska
diideen in dalkooda lagu soo celiyo.
Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Federalka Soomaaliya ayaa dhalinyaradan waxaa
ay ku soo dhaweeyeen Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Dhalinyaradan ayaa waxaa laga soo daayay xabsiyada Tajora iyo Sika ee dalka
libya, inkastoo ay jiraan dhalinyaro kale oo fara badan, kuwaasi oo xabsiyada
wali ku jira.
Dowladda Soomaaliya ayaa ku dadaalaysa sidii dhalinyaradaasi xabsiyada ku
xiran dalkooda Hooyo loogu soo celin lahaa, inta doonaysa in dalka dib loogu
soo celiyo.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]