4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 14, 2018
Midowga Africa maamul gobolleedyada ka caawinaya sugida Amniga

 

Arbaco, Maarso, 14, 2018 (HOL)- Danjiraha midowga Africa ee Soomaaliya Francisco Madeira ayaa maamul goboleedyada Soomaaliya ugu Baaqay in ay kordhiyaan Dagaalka ka dhan ka ah Al-shabaab.

Madeira, hadalkaan sheegay mar uu kulan la qaatay madaxweeynaha Hirshabeele Maxamed Cabdi Waare oo ay ka wada hadleen Qorshaha xasilinta iyo Amni ku wareejinta ciidamada Soomaaliya.

“Waxaan ka wada hadalnay faahfahinadda kala guurka waxaana isla aragnay in kala guurku uu adkeeyn u bahanyahay iyo muhiimadda ay leedahay in wadooyinka muhiimka ah ay furan ciidamadda AMISOM iyo kuwa Soomaaliya” ayaa lagu yiri war uu soo saaray Faransico Madera.

Madera ayaa sheegay in maamul goboleedyadda dalka looga baahanyahay in ay kaalin Libaax ka qaatan dagaalka lagu jiro Al-shabaab, wuxuuna xusay in ay maamuladdua ay mas’uuliyad iska saaraan sidii ay goboladooda Al-shabaab uga xoreeyn lahaayeen.

Maxamed Cabdi Waare iyo Madera ayaa isla soo hadal qaaday Qasarihii Ciidamada AMSIOM ka soo gaaray weerarkii dhawaan Al-shabaab ay ku qaadeen ciidamada dalka Burundi ka socday oo ku sugnaa Shabeelaha dhexe.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]