Farmaajo “ Baaqii aan u jeediyey shacabka ee ahaa in aan u midoowno dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab ayaad jawaab cad u tihiin”
Talaado, Maarso, 13, 2018 (HOL) – Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tababar u
soo xiray in ka badan 600 oo askari oo ka mid noqonaya ciidamada Daraawiishta
ee ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliyeed.
Madaxweynaha
oo saakay ka shaqo tagey Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga oo hooy
iyo xafiisba u ah ayaa gaaray dugsiga Tababarka Booliska ee Jeneraal Kaahiye,
halkaas oo khudbad uu ugu jeediyey ciidamada tababarka uu u soo xiray.
Madaxweynaha ayaa
sheegay in dhallinyaradan oo u damqanaysa shacabka Soomaaliyeed ay go’aansadeen
in ay ku biiraan ciidanka si ay ula dagaallamaan cadawga Alshabaab, jawaabna u
ah baaqii uu jeediyey 18kii bishii Oktoobar ee ku saleysnaa in aan loo kala
harin dagaalka lagula jiro argagixisada.
“Waxaa halkan iiga
muuqata ciidan u diyaarsan in ay dalkooda ka xoreeyaan hororka nabad diidka ah
ee Alshabaab oo ah Khawaarij nagu soo duulay, dalkeenna tafaha heysa oo diiday
in aan la tartanno caalamka intiisa kale."
"Maalin walba waxa
ay xasuuq ku hayaan caruurteenna, gabdhaheenna iyo hooyooyinkeenna, idinkuna
waxaad jawaab cad u tihiin baaqii aan u jeediyey shacabka ee ahaa in aan u
midoowno dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab.”
Madaxweyne Farmaajo ayaa
ciidamada tababarka loo soo xiray ku adkeeyey in ay ka dhabeeyaan ballantii ay
qaadeen ee ahayd difaaca dalkooda, dadkooda iyo diintooda, isagoona ballan
qaaday in uu ku hoggaamin doono sidii ay waajibaadkooda ugudan lahaayeen.
Munaasabadda xiritaanka
tababarkan waxaa goob joog ku ahaa Wasiirka iyo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda
Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Taliyaha Ciidanka Boliiska,
Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada
qalabka sida.
Abdisalan Nor Dirie ,
Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho Somalia