4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 13, 2018
Wefti uu hogaaminayo Madaxweyne Biiixi oo u anbabaxay dalka Imaaraadka Carabta

Talaado, March, 13,  2018 (HOL) – Wefti uu hogaaminayo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa galabta u anbobaxay dalka isku tagga imaaraadka Carabta.

Dalka Imaaraadka carabta ayaa diyaar khaas ah usoo diray madaxweynaha Somaliland, waxaana wararku sheegayaan inuu tagayo heshiishka sadex geesoodka ah ee Dp World iyo Itoobiya.

Weftiga madaxweynaha waxa ku wehelinayey wasiirrada wasaaradaha Arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire, Qorshaynta, Mudane Cawaale  Ibraahim Shirwac, Horumarinta Biyaha, Mudane saleebaan Yuusuf Cali Koore, Xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha distoorka, Mudane Maxamuud Xaaji Aadan,  Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Boos Mire Maxamed iyo guddoomiyaha xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali-waraabe.

Ka hor intii aanay weftiga uu madaxweynuhu hoggaaminayaa ka ambo bixin madaarka Cigaal International Airport, waxa socdaalka weftiga faah-faahin ka bixiyey wasiirka horumarinta Biyaha Somaliland, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore,waxaanu yidhi “Waxa dalka ka amba-baxay wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo madaxweynaha Somaliland, waxaana ay u socdaan dalka Imaaraadka Carabta, iyaga oo casuumad rasmi ah ka helay dhaxalka sugaha boqortooyada Imaaraadka, Sheekh Maxamed Sheekh Saa’id Al-nahyaan, sidoo kale waxa nala socda guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah  ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe oo ay xisbiyada mucaaridka ah iyo madaxweynuhu isla garteen inuu raaco.”

Waxaanu wasiirku intaas ku daray “Inta madaxweynaha iyo weftigiisu dalkaas ku sugan yihiin waxa lagaga wada-hadli doonaa arrimo khuseeya labada dal ee Somaliland iyo Imaaraadka, horumarinta labada dal iyo horumarinta danaha guud ee labada dal iyo ta mandaqaddaba, aad iyo aadna waanu ugu faraxsanahay inaanu dal ahaan maanta halkaas marayno oo weftiga awooddaas leh maanta nalagu casuumo, anaga oo ka talin doonna ama kasoo hadli doona danaha Somaliland nooc ay tahayba ha ahaatee, waxaana aanu rajaynaynaa annaga war fiican, tallo fiican iyo ammuur fiican wadannana inaanu idinkula soo noqonno.”

Safarkan madaxweynaha ayaa ku soo beegmay wakhti ay siyaasad cakiran ka taagan tahay Somaliland iyo Soomaaliya oo isku khilaafay heshiishka saddex geesoodka ah ee dekada Berbera, waxaana baarlamaanka Soomaaliya laaleen heshiishkan, halka baarlamaanka Somaliland ansixiyeen heshiishkan, taas oo sii kala fogaynaysa wada hadaladdii u socday Somaliland iyo Soomaaliya

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland