3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 13, 2018
Shacabka Buula-burte oo Afar sano kaddib u dabaal degay markii laga saaray Al-shabaab


Talaado, Maarso, 13, 2018 (HOL) – 13kii Maarso Afar sano ka hor maanta oo kaliye ayeey aheyd markii ciidamo ka tirsan kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM iyo dowladda Soomaaliya ka saareen degmada Buula-burte Ururka Al-shabaab oo muddo dheer gacanta ku hayay maamulkeeda.

Munaasabad arintaa loogu dabaal-degayay ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan, kan degmada Buula-burte, saraakiisha ciidamada dowladda, AMISOM, odayaasha dhaqanka, haween iyo dhalinyaro ah.

Guddoomiyaha degmada Buula-burte Cabdi Daahir Guure oo bulshada la hadlay ayaa ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan nabad-galyada.

Col Cismaan Dubad oo ka mid ah saraakiisha AMISOM ayaa sheegay in Afar sano kaddib uu arkayo in ciidamada dowladda Soomaaliya ku filan yihiin dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

‘’Waxaan is leeyahay Afar Sano kaddib ciidamada dowladda isku filnaasho ayeey gaareen, mar haddii AMISOM ay ku sugan yihiin magaalooyinka Waaweyn ee dalka, inta soo hartay ciidamada dowladda waxaa is leeyahay waa ka howlgali karaan’’ ayuu yiri Cismaan Dubad.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeynta Cismaan ayaa sheegay in ka maamul ahaan ka shaqeyn doonaan sidii Al-shabaab looga saari lahaa magaalooyinka ay wali ku sii harsan yihiin.

Laakiin qeybaha bulshada qaarkood oo warbaahinta la hadlay ayaa ku eedeynaya maamulka Hirshabeelle iyo dowladda dhexe intaba in wali degmada Buula-burte aysan ka fulin balanqaadyadii ay horay ugu sameeyeen, gaar ahaan in laga shaqeyn doono sidii leysugu furi lahaa degmada iyo deegaannada kale ee gobolka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
3/13/2018 1:11 PM EST
Talaado, Maarso, 13, 2018 (HOL)–Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tababar u soo xiray in ka badan 600 oo askari oo ka mid noqonaya ciidamada Daraawiishta ee ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

3/13/2018 1:05 PM EST
Talaado, March, 13, 2018 (HOL) – Wefti uu hogaaminayo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa galabta u anbobaxay dalka isku tagga imaaraadka Carabta.

3/13/2018 12:21 PM EST
Talaado, Maarso, 13, 2018 (HOL)–Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa safar aan la sii shaacin ugu anbabaxay maanta dalka Iskutaga Imaaraadka Carabta.

3/13/2018 11:07 AM EST
Talaado, Maarso, 13, 2018 (HOL) – Maanta oo ay bishu tahay March 13-keedii ayaa waxa ku beegant ahay maalintii ugu dambaysay ee gabi ahaanba la joojinanayey adeega lacagta Mobile-ka la iskugu diro boqol dollar wixii ka yar iyo sarifka ay isticmaalaan shirkadaha waaweyn ee Dahabshiil, Telesom iyo Oomaar.

3/13/2018 10:14 AM EST
Talaado, Maarso, 13, 2018 (HOL)–AUN XIldhibaan Cumar Buraale Axmed oo ka tirsanaa mudaneyaasha baarlamanka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa xalay saqdii dhexe ku geeriyooday magaalada Kismaayo, ayadoo maanta lagu aasay qabuuraha Baarcaleen ee duleedka galbeed ee magaalada.

3/13/2018 9:44 AM EST
Talaado, Maarso, 13, 2018 (HOL) – Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa shaqadii ka eryay Xoghayihiisa Arrimaha Dibadda Rex Tillerson.

3/13/2018 8:49 AM EST
Talaado, Maarso, 13, 2018 (HOL) –Kaddib kulan maanta ay ku yeesheen magaalada Hargeysa golaha Wakiilada Soomaaliland ayeey ku ansixiyeen heshiiskii Saddex geesoodka Dekeda Berbera ee dhex maray Somaliland, Itoobiya iyo Shirkadda DP World, waxaana heshiiskaas loo ansixiyay si aqlabiyad leh.

3/13/2018 7:10 AM EST
Talaado, Maarso, 13, 2018 (HOL)- Xildhibaanada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ka dooday Qodob ku aadan Weerarkii lagu qaaday Guriga Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid December 30, 2017.

3/13/2018 6:47 AM EST
Talaado, Maarso, 13, 2018 (HOL)-Madasha Talo Wadaag oo ay ku mideysan yihiin Siyaasiyiin iyo Mas’uuliyiin horay xilal u soo qabtay ayaa war saxaafadeed ka soo saaray xaalada uu dalka ku jiro.

3/13/2018 6:33 AM EST
Talaado, Maarso, 13, 2018 (HOL) - Kaddib markii dhawaanahay ay jireen warar sheegayay in qaar ka mid ah gacansato iyo Milkiilayaasha Garoomada yar yar ee lagu ciyaaro kubada ay qaateen Amaro ay dul dhigeen Al-shabaab ayeey maanta Wasaaradda Amniga Gudaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya digniin u dirtay ganacsatada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku dhaqan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

3/13/2018 5:00 AM EST
Talaado, Maarso, 13, 2018 (HOL)-Maamulka gobolka Banaadir ayaa bilaabay billoowday dib u howl-gelinta Nalalka ku shaqeeya Ileyska Cadceedda kuwaasoo qaarkood ay ku yimmaaddeen mudooyinkii u dambeeyay cillado kala duwan.

3/13/2018 4:18 AM EST
Talaado, Maarso, 13, 2018 (HOL)-Ciidamada dowlad goboleedka Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka oo iskaashanaya ayaa saaka weerar qorsheeysan ku qaaday deegaanka Wirkooy ee gobolka J/hoose, halkaa oo ay saldhig ku lahaayeen xoogagga Al-shabaab.

3/13/2018 2:29 AM EST
Talaado, Maarso, 13, 2018 (HOL)–Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga ee dowladda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Cali Xaashi ayaa ka hadlay shir ku saabsan Kalluumaysiga Soomaaliya oo ka socda magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

3/13/2018 2:03 AM EST
Talaado, Maarso, 13, 2018 (HOL)–Qorshaha Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee joojinta toogashooyinka iskuulka ee uu mararka badan ka hadlay kumay jirin in kor loo qaado da’da qofka gadan kara hubka oo la gaarsiiyo ilaa 21.

3/13/2018 1:49 AM EST
Talaado, Maarso, 13, 2018 (HOL)–Ciidamada Amniga dalka Masar ayaa xirxiray dhalinyaro Soomaaliyeed oo dhalinyaro Soomaaliyeed, kaddib howlgal ay ka sameeyeen qeybo ka id ah xaafadaha degmada Nasri City oo ah meel si weyn Soomaalida ay u degan yihiin.

3/13/2018 1:42 AM EST
Talaado, Maarso, 13, 2018 (HOL)- Saraakiil Qaramada Midoobey oo shalay gelinkii dambe gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa kulan la qaatay ku-simaha madaxweynaha Goboleedka Koonfur Galbeed ahna Wasiirka Amniga, Xassan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay).

3/13/2018 1:35 AM EST
Talaado, Maarso, 13, 2018 (HOL)-Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamanka Soomaliya ayaa maanta Kalfadhiga 3aad kulankiisa koobaad ku leh Xarunta ay ku shiraan ee magaladda Muqdisho sida qaar ka mid ah xildhibaannada u sheegeen warbaahinta.