4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 13, 2018
Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Jubbaland oo ku geeriyooday magaalada Kismaayo

Talaado, Maarso, 13, 2018 (HOL)–AUN XIldhibaan Cumar Buraale Axmed oo ka tirsanaa mudaneyaasha baarlamanka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa xalay saqdii dhexe ku geeriyooday magaalada Kismaayo, ayadoo maanta lagu aasay qabuuraha Baarcaleen ee duleedka galbeed ee magaalada.

Xildhibaanka ayaa sababsaday xanuunka dhiir karka oo xalay kusoo booday.
Xildhibaan Max’ed Salaad Wiil Waamo oo ka tirsan baarlamanka Jubbaland ayaa shabakadda HOL u sheegay in xildhibaanku uu u geeriyooday xanuunka dhiig karka oo xalay kusoo booday.

“AUN Xilhibaanka xalay ayuu geeriyooday, wuxuu qabay xanuunka dhiig-karka xalay ayuu kusoo booday, isaga ayuuna sababsaday, “ ayuu xildhibaanku hadalkiisii raaciyay.

Sida uu inoo sheegay in xildhibaan Wiil Waamo, AUN Xildhibaan Cumar Buraale ayaa wuxuu ku dhashay deegaanka Goobweyn oo hoostaga Kismaayo, wuxuu kamid ahaa shaqaalihii warshadda Hilibka ee Kismaayo xilligii ay dhisnayd dowladda, sidoo kale xildhibaanka ayaa kamid ahaa ergadii ka qeybgashay shirkii Carte ee lagu soo dhisay dowladdii uu hogaaminayay C/qaasim Salaad Xasan.

Xildhibaan Cumar Buraale ayaa sidoo kale noqday xildhibaan ka tirsan baarlamanka dalka xilligii dowladdii KMG ahayd ee Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Xildhibaan Cumar Buraale sidoo kale xilligii la dhisayay Jubbaland kamid ahaa siyaasiyiinta kasoo horjeeday madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Max’ed Islaam, isagoo ku dhawaaqay in uu yahay Madaxweyne.

Wixii intaa kadanbeeyay xildhibaanka ayaa kamid noqday siyaasiyiin dhowr ah oo heshiis la galay Jubbaland, kana tanaasulay afkaartoodii mucaaradnimada.

Xildhibaanka ayaa ugu danbeyn kamid noqday golaha shacabka dowlad goboleedka Jubbaland, isagoo sidoo kale ahaa gudoomiyaha gudiga Anshaxa baarlamanka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.