4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 13, 2018
Golaha Wakiilada Somaliland oo ansixiyay heshiiskii Berbera

 

Talaado, Maarso, 13, 2018 (HOL) –Kaddib kulan maanta ay ku yeesheen magaalada Hargeysa golaha Wakiilada Soomaaliland ayeey ku ansixiyeen heshiiskii Saddex geesoodka Dekeda Berbera ee dhex maray Somaliland, Itoobiya iyo Shirkadda DP World, waxaana heshiiskaas loo ansixiyay si aqlabiyad leh.

Sidoo kale golaha ayaa cambaareeyay go’aankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku laaleen heshiiskii Dekeda Berbera, isla markaana ay dalka kaga mamnuuceen shirkadda DP World.

Sidoo kale waxaa uu Golaha Wakiilada farriin u direen Beesha Caalamka, iyagoo sheegay in dhaq dhaqaaqyada dowladda Federaalka wado ay xasilooni darro ka abuuri karaan gobolka.

Akhriso war saxaafadeedka golaha Wakilada:-