Talaado,
Maarso, 13, 2018 (HOL)- Xildhibaanada
Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ka dooday Qodob ku
aadan Weerarkii lagu qaaday Guriga Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid
December 30, 2017.
Dooda Kulankan oo soctay mudo Saacado ah ayaa ugu dambeyntii
Xildhibaanada Aqalka Sare ay soo jeediyeen in loo saaro guddi, maadaama
Xildhibaan Cabdi Qeybdiid uu sheegay in uusan ku qanacsaneyn Guddigii uu
Madaxweyne Farmaajo uu u xilsaaray Kiiskiisa.
Qeybdiid, oo Mudanayaasha ka hor hadlay ayaa waxaa uu Baarlamaanka ka codsaday
in Sharciga la horgeeyo cidii weerarka gurigiisa ka dambeysay, isagana dhanka
kale soo jeediyay in Natiijada Baaritaanka lawado wixii ka soo baxo lala
wadaago baarlamaanka iyo shacabka Soomaaliyeed.
Maanta Kulanka 1aad ee Kalfadhiga 3aad ee Aqalka Sare waxaa soo xaadiray 28
Xildhibaan, 23 ka mid ah waxaa ay u codeeyeen in guddi loo saaro arrinta
weerarka Guriga Cabdiqeybdiid, 4 Senator-ka waxa ay u codeeyeen in Ra’isul
wasaaraha loo yeero halka hal Xildhibaan uu ka aamusay.
Senatorrada Golaha Aqalka Sare ayaa hadda wado ka doodistay Xeerka Shirkadda DP
World.
Wixii warar ah ee ka
soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa..
Ilyaas Axmed Cilmi, Hiiraan Online
Mogadishu, Somalia