4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 13, 2018
Wasaaradda Amniga oo digniin u dirtay ganacsatada lacagaha u dira Al-shabaab

 

Talaado, Maarso, 13, 2018 (HOL) - Kaddib markii dhawaannahay ay jireen warar sheegayay in qaar ka mid ah gacansato iyo milkiilayaasha Garoomada yar yar ee lagu ciyaaro Kubadda ay qaateen Amaro ay dul dhigeen Al-shabaab ayeey maanta Wasaaradda Amniga ee dowladda Federaalka Soomaaliya digniin u dirtay ganacsatada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga, C/casiis Xildhibaan oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aysan u dulqaadan karin arrimahan islamarkaana ay tallaabo cad ka qaadi doonaan cidii lagu helo in ay lacag u diraan Ururka Al-shabaab.

Waxa uu sidoo kale Afhayeenku sheega in ganacsatada guud ee gobolka Banaadir gaar ahaan milkiilayaasha garoomada yar yar ee lagu ciyaaro Kubbadda Cagta aanay u hoggaansami karin ammar la sheegay in ay dul-dhigeen Al-shabaab, iyagoo ka baqaya han-jabaadaha ay u jeediyaan. kaasi oo ah inay xiraan Garoomadaas.

Waxuu intaa ku daray in magaalada Muqdisho ay amnigeeda sugaan ciidamada dowladda Federaalka, hasse ahaatee aan loo dulqaadan karin in ay dhaqangalaan ammaro Al-shabaab ka soo baxa.

“Waxaan uga digeynaa ganacsatada in ay lacag siiyaan Argagaxisada Al-shabaab, iyaga oo u marinaya Xawaaladaha, Telefoonnada, Banggi ama si toos ah, cid walbo oo lagu arkana waxaa la hor geyn doonaa Maxkamadda ciidamada qalabka sida” ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Amniga.

Afhayeenka ayaa ugu dambeyntii ugu baaqay umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan inay la shaqeeyaan ciidamada Amaanka si looga hortago falalka amni darrada ee lagu waxyeelaynayo Shacabka.

Ilyaas Axmed Cilmi, Hiiraan Online
Mogadishu, Somalia