4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 13, 2018
Maamulka gobolka Banaadir oo dib u howlgalinaya Nalalka Cadceedda ku shaqeeya

 

Talaado, Maarso, 13, 2018 (HOL) - Maamulka gobolka Banaadir ayaa bilaabay billoowday dib u howl-gelinta Nalalka ku shaqeeya Ileyska Cadceedda kuwaasoo qaarkood ay ku yimmaaddeen mudooyinkii u dambeeyay cillado kala duwan.

Dib u howlgalinta Nalalka ku shaqeeya Cadceedda ayaa hadda laga bilaabay inta u dhaxeysa xarunta xero gaadiid iyo Taallada Xaawo Taako, ayaa waxaa dhawaan kormeer ku tagay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho, C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) iyo ku xigeenkiisa dhanka amniga iyo siyaasadda Maxamed C/laahi Maxamed (Tuulax) iyagoo shaqaalaha ku ammaanay howsha ay shacabka u hayaan.

Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca Amniga ayaa ku bogaadiyay farsamayaqaannada Dowladda hoose sida howl karnimada iyo waddaniyadda leh ee ay ugu qayb qaadanayaan dib usoo celinta Iftiinka iyo bilicda waddooyinka magaalada Muqdisho.

Tuulax ayaa  dhanka kale Shirkadaha gaarka loo leeyahay ee ka howlgalo gudaha Gobolka banaadir ka codsaday inay Nalal ku xiraan goobaha ay'yan Soollarradu gaarin ee caasimadda dalka, si loo helo Magaalo ka siman Iftiinka iyo bilicda.

Ku dhowaad 10 Sano muddo haatan laga joogo ayaa Nalalka ku shaqeeya Cadceedda ee (Solar lights system) laga hirgeliyay magaalada Muqdisho iyo degaanno badan oo dalka ah, iyadoo ay aaladdani wax weyn ka tartay amniga iyo bilicda magaalooyinka dalka, waxanay dowladda hoose ee Xamar billowday haatan dib usoo nooleynta nalalkii howl gabka noqday iyo kuwii cilladoobay intuba.

Ilyaas Axmed Cilmi, Hiiraan Online
Mogadishu, Somalia