4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 13, 2018
Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland oo weeraray saldhig ay Shabaab ku lahaayeen J/hoose [SAWIRRO]


Talaado, Maarso, 13, 2018 (HOL)-Ciidamada dowlad goboleedka Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka oo iskaashanaya ayaa saaka weerar qorsheeysan ku qaaday deegaanka Wirkooy ee gobolka J/hoose, halkaa oo ay saldhig ku lahaayeen xoogagga Al-shabaab.

Weerarkan ayay saraakiisha ciidamadu sheegeen in ay ku bartilmaameedsanayeen saldhig ay isku urursanayeen Al-shabaab oo ku yaalla deegaanka Wirkooy.

Taliyaha ciidamada Jubbaland ee aagga Buulogaduud ayaa HOL u sheegay in ciidamadu ay la wareegeen deegaanka Wirkooy, islamarkaana uu jiray iska horimaad dhexmaray ayaga iyo maleeyshiyaadkii Al-shabaab.

Taliyaha ayaa intaa ku daray in dhankooda uu dagaalka uga dhaawacmay hal askari, isagoo xusay in dhanka Al-shabaab ay gaarsiiyeen qasaarooyin, islamarkaana ay deegaanka kala baxeen maleeyshiyaadkii ay waxyeelada kasoo gaartay weerarka.

Lama garanayo khasaaraha rasmiga ah ee kala gaaray labada dhinac.

Xaaladda deegaanka ayaa weli ah mid cakiran, waxaana halkaasi gaaray ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan kuwa xoogga dalka iyo Jubbaland, ayadoo ay saraakiishu sheegeen in howlgalladu ay leeyihiin bar tilmaameedyo gaar ah, ayagoo lagu soo waramayo in maleeyshiyaadka Al-shabaab ay sidoo kale isku soo abaabuleen sidii ay uga hortagi lahaayeen duulaanka.

Wixii kasoo cusboonaada arimahaasi dib ayaan idinku soo gudbin doonnaa.


Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.