4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 12, 2018
Wasaaradda Howlaha guud oo kala shaqeyneysa Hirshabeelle dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha

 

Isniin, Maarso, 12, 2018 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Howlaha guud iyo dib-u-dhiska dowladda Soomaaliya oo Eng Saadiq Cabdullaahi Cabdi oo safar shaqo ku jooga magaalada Jowhar, ayaa sheegay in wasaaraddiisu kala shaqeyneyso dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha.

Akhriso War-saxaafadeedka Wasaaradda :

Waxaan booqasho ku nimid magaalada Jowhar ee xarunta Dowl-goboleedka Hir-Shabelle, Ujeedada booqashada ayaa ah tallaabo daba socota fulinta mashruuca Tayaynta WasaaradahaHowlaha Guud heer Dowlad-goboleed iyo heer federal (Somalia Strengthening Institution for Public Works Project). Mashruuca waxaa naga kaalmeenaya Bangiga Horumarinta Africa (African Development Bank).

Hiigsiga fog ee bangiga ayaa ah horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka isagoo garowsan inay wasaaradaha howlaha guud ay yihiin tiirarka horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

Mashruuca waxaa fulintiisa nagala shaqeynaya hey’adda UNOPS ee Qaramada Midoobay,Hadafka Mashruucu waa in Hey’adaha Howlaha guud ee wadanka ay mashruucaan kadib iskood Mashaariicda Kaabayaasha Dhaqaalaha u qorsheyn karaan, dhaqaale ugu raadin karaan, dhan dhaqaale iyo maareynba mashruucyada u maamuli karaan isla markaana u kormeeri karaan. Markuu mashruucu dhamaado hey’adaha howlaha guud waxay ahaan doonaan kuwo isku filan oo iskood waajibkooda u guta.

Waxaan hadda wasaaradda howlaha guud ee Hirshabelle u keenay qalab casri ah oo si maqal iyo muuqaal ah wasaaradaha howlaha guud dhexdooda iyo adduunka intiisa kaleba ugu wada xiriiri karaan.

Sidoo kale waxaan goordhow, bil ilaa laba bil gudaheed WHG ee Dowlad Goboleedka u keeni doonaa

qalabka xafiisyada oo ay ku shaqeyn lahaayeen (office furniture) iyo agabyada xafiisyada lagu isticmaalo ee joogtada loogu baahan yahay (office supply), taasoo ka haqabtirkeeda dhowr sano wadi doono si wasaaraddu howlaha ay umadda u heyso u gudato.

Waxaa intaa dheer iney ila socdaan shaqaalaha wasaaraddayda ee qaabilsan fulinta mashruuca ayna sameyn doonaan daraasad ay ku ogaanayaan baahida wasaaradda HG ee Dowlad-goboleedkaan, dhinaca qorshe-dejinta, shaqaalo tayo leh oo wasaaraddu yeelato, tababarada ay u baahan yihiin, qalabka farsamo ee lama huraanka u ah, shuruuc dejinta ay rabaan inay sameeyaan IWM. Baahida ay daraasaddaasi muujiso ayaanuna wax ka qaban doonaa annagoo isticmaaleyna qoondo mashruucu arrimahaas u meeleeyay.

Horumarinta kaabayaasha dhaqaale ee Dowlad-goboleedkaan waa halbowlaha horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka guud ahaan, sidaas darted waxaa wasaaradda HG ee federaalka ka go’an xoojinta la shaqeynta Wasaradaha HG ee Dowlad-goboleedkaan si horumarka wadanka guud ahaan loo hurumariyo

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]