9/25/2018
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 12, 2018
Maamulka Degmada Baladxaawo oo maalintii labaad goob fagaare ah ku gubay Qaad




Isniin, Maarso, 12, 2018 (HOL)–Masuliyiinta mamulka Degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo ayaa maanta meel fagaare ah ku gubay qaad gaaraya ilaa 25 Jawaan, kaa oo la doonayay in loo gudbiyo degmooyinka gobolka Gedo sida Doolow, Luuq iyo degmooyin kale oo ka tirsna gobolkaasi ayadoo maalintii afaraad ay xiranyihiin dhaqdhaqaaqyadii dadka iyo ganacsiga ee degmooyinka Baladxaawo iyo Mandheera.

Saraakiil ka tirsan ciidamada nabadgelyada degmadaasi oo goobtii lagu gubayay Qaadka kula hadlay dadweeynihii halkaasi isugu yimid ayaa sheegay in ololaha ka dhanka ah Qaadka uu socon doono, ayagoo ku baaqay in laga fogaado in ganacsi ahaan loo keeno Qaadka degmooyinka gobolka Gedo.

Taliyaha nabadsugidda gobolkaasi Cali Xasan Deer ayaa sheegay in  waxyeelada qaadka u geeysanayo bulshada ay tahay mid baaxad leh, isagoo xusay in dhowrkii maalin ee qaadka laga waayay degmooyinka gobolka Gedo la dareemayo isbadallo dhinacyada dhaqaalaha iyo ganacsiga ah.

Saraakiisha ayaa uga digay ganacsatada  gobolkaasi in ay lacagahooda geliyaan Qaadka, isagoo sheegay in goobtii lagu sheego Qaad ay ciiidamadu tagi doonaan, islamarkaana ku gubi doonaan.

Saraakiil ka tirsan dowladda Kenya oo ganacsatada Qaadka kula hadlay Mandheera ayaa la sheegay in ay ku wargeliyeen in aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin in Qaadka laga mamnuuco gobolka Gedo, ayagoo sheegay in Qaadka ay cunto Soomaalida, ayna tahay wax aysan ka maarmi karin.

Qaadka oo ka baxa beero ku yaal dalka Kenya ayaa ganacsi ahaan loogu soo dhoofiyaa Soomaaliya, ayadoo ay kasoo xaroodaan dhaqaale aad u badan.

Wargeyska Daily Nation ayaa baahiyay in bishiiba Soomaaliya ay aadaan 540 Duulimaad oo sida Qaad, waxaana Soomaaliya ay tahay suuqa ugu weyn ee ganacsiga Qaadka dalkaasi Kenya.

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sanaddii tagtay ee 2017 ku yaboohay lacago dhan 1.5 Billion oo lacagta Kenya ah, in lagu maalgeliyo beeraha uu qaadka ka baxo ee dalkaasi.

Dabayaaqadii sanaddii tagtay ayay ahayd markii dowladda Soomaaliya ay ka mamnuucday dalka in ay kasoo dagaan diyaaradaha Qaadka ka keena Kenya, taa oo sababtay in malaayiin doollar ay qasaaraan ganacsatada qaadka dalkaasi, kuwaa oo markii danbe dhigay dibadbaxyo ay dowladda Kenya uga dalbanayeen in dowladda Soomaaliya ay kala hadasho sidii dib loogu fasixi lahaa ganacsiga dhanka Qaadka, waxaana dowladda Soomaaliya ay dib ka fasaxday duulimaadyadii Qaadka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.







Click here
3/12/2018 3:14 PM EST
Isniin, Maarso, 12, 2018 (HOL)-Wasiirka Wasaaradda Howlaha guud iyo dib-u-dhiska dowladda Soomaaliya oo Eng Saadiq Cabdullaahi Cabdi oo safar shaqo ku jooga magaalada Jowhar, ayaa sheegay in wasaaraddiisu kala shaqeyneyso dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha.

3/12/2018 2:25 PM EST
Isniin, Maarso, 12, 2018 (HOL) – Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaari oo khubad ka jeedinayay fadhiggii xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa si adag uga horyimid talaabada shirkadda DP World oo sida uu tilmaamay ah mid dhaawaceysa Siyaaddada iyo Qarannimada Umadda Soomaaliyeed.

3/12/2018 7:06 AM EST
Isniin, Maarso, 12, 2018 (HOL) -Ciidamada ilaalada madaxtooyada Soomaaliya ee fariisinka ku leh agagaarka Isgoyska Taalada Sayidka ayaa maanta barqadii rasaas ku furay gaari uu lahaa Hanti-dhowrk guud ee Qaranka Maxamed Cali Afgooye.

3/12/2018 6:13 AM EST
Isniin, Maarso, 12, 2018 (HOL)–Kulan xasaasi ah oo xildhibaannada Golaha Shacabka ku yeesheen magaalada Muqdisho maanta oo Isniin ah ayeey ka soo saareen xeer dhowraya gobannimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya, iyaga oo dhinaca kalana ka mamnuucay shirkadda DP World in ay ka howlgasho guud ahaanba Soomaaliya.

3/12/2018 3:41 AM EST
Isniin, Maarso, 12, 2018 (HOL)–Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo Wareysi gaar ah siinayay TV Hon Cable ayaa sheegay in xiligan munaasab ku aheyn wadahadal ay la galaan Soomaaliya.

3/12/2018 2:42 AM EST
Isniin, Maarso, 12, 2018 (HOL)–Dhawaan waxaa soo baxay warar sheegaya in Al-shabaab ku amreen milkiilayaasha garoomada Salaxa ah ee xiliyada habeenkii lagu cayaaro Kubadda Cagta, ayaa waxaa arintaa jawaab ka bixisay Wasaaradda Amniga xukuumadda Soomaaliya.

3/12/2018 2:12 AM EST
Isniin, Maarso, 12, 2018 (HOL)–Wararka naga soo gaaraya degmada Jowhar ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in ciidamada Booliiska xabsiga dhigeen ganacsato sida lagu waramayo la balansanaa Al-shabaab.

3/12/2018 1:59 AM EST
Isniin, Maarso, 12, 2018 (HOL)–Askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa lagu waramayaa in uu ku dhintay iska horimaad xalay degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ku dhaxmaray ciidamo ka tirsan dowladda iyo Al-shabaab.

3/12/2018 1:48 AM EST
Isniin, Maarso, 12, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa sheegay in uu isaga shaqsiyan amray in lasoo rido diyaarad shacab ah sanadkii 2014-kii, maadaamaa ay wadday bam lagu qarxin lahaa ciyaarihii olimbikada magaalada Sochi ee dalkaasi ka dhacayay.

3/12/2018 1:43 AM EST
Isniin, Maarso, 12, 2018 (HOL)–Maanta oo Isniin ah ayaa lagu wadaa in xildhibaannada Golaha Shacabka yeeshaan fadhiggoodii ugu horeeyay Kalfadhigga Saddexaad, waxaana lagu waramayaa in kulanka maanta noqonayo mid xasaasi ah oo xildhibaannadu dood adag ka yeelan doonaan heshiiskii Dekedda Berbera.

3/12/2018 1:29 AM EST
Isniin, Maarso, 12, 2018 (HOL)-Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa magaalada New Dalhi ee dalka India kulan gaar ah kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha dalka India Narendra Modi.