3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 12, 2018
Ilaalada madaxtooyada oo rasaas ku furtay gaari uu lahaa hanti-dhowrka guud ee Qaranka

Isniin, Maarso, 12, 2018 (HOL) -Ciidamada ilaalada madaxtooyada Soomaaliya ee fariisinka ku leh agagaarka Isgoyska Taalada Sayidka ayaa maanta barqadii rasaas ku furay gaari uu lahaa Hanti-dhowrka guud ee Qaranka Maxamed Cali Afgooye.

Gaariga oo ahaa nooca aysan rasaastu karin ayaa la sheegay in uu isku dayay in uu xoog ku maro halka ciidamada ku sugnaayeen, hasse ahaatee darawalku iska dhaga-mariyay amar ay ciidamadu ku siiyeen in uu istaago.

Ilaalada ayaa la sheegay markii danbe Taayarada ka toogteen gaariga, waxaana darawalkii waday uu isku xiray albaabada isaga oo diiday in uu soo dego.

Waxaa la sheegey in waqtigaas uusan la socon Hanti-Dhowraha Qaranka Maxamed Cali Afgooye, waxaana dhacdadan ay aheyd mida ugu hadal heynta badan ee saaka magaalada la isla dhex marayay.

Maalmihii ugu danbeeyay waxaa sare loo qaaday guud ahaan sugida amniga Muqdisho, gaar ahaan xarunta madaxtooyada oo horaantii bishan koox hubeysan isku dayeen in ay gudaha u galleen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
3/12/2018 3:14 PM EST
Isniin, Maarso, 12, 2018 (HOL)-Wasiirka Wasaaradda Howlaha guud iyo dib-u-dhiska dowladda Soomaaliya oo Eng Saadiq Cabdullaahi Cabdi oo safar shaqo ku jooga magaalada Jowhar, ayaa sheegay in wasaaraddiisu kala shaqeyneyso dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha.

3/12/2018 2:25 PM EST
Isniin, Maarso, 12, 2018 (HOL) – Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaari oo khubad ka jeedinayay fadhiggii xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa si adag uga horyimid talaabada shirkadda DP World oo sida uu tilmaamay ah mid dhaawaceysa Siyaaddada iyo Qarannimada Umadda Soomaaliyeed.

3/12/2018 8:10 AM EST
Isniin, Maarso, 12, 2018 (HOL)–Masuliyiinta mamulka Degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo ayaa maanta meel fagaare ah ku gubay qaad gaaraya ilaa 25 Jawaan, kaa oo la doonayay in loo gudbiyo degmooyinka gobolka Gedo sida Doolow, Luuq iyo ...

3/12/2018 6:13 AM EST
Isniin, Maarso, 12, 2018 (HOL)–Kulan xasaasi ah oo xildhibaannada Golaha Shacabka ku yeesheen magaalada Muqdisho maanta oo Isniin ah ayeey ka soo saareen xeer dhowraya gobannimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya, iyaga oo dhinaca kalana ka mamnuucay shirkadda DP World in ay ka howlgasho guud ahaanba Soomaaliya.

3/12/2018 3:41 AM EST
Isniin, Maarso, 12, 2018 (HOL)–Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo Wareysi gaar ah siinayay TV Hon Cable ayaa sheegay in xiligan munaasab ku aheyn wadahadal ay la galaan Soomaaliya.

3/12/2018 2:42 AM EST
Isniin, Maarso, 12, 2018 (HOL)–Dhawaan waxaa soo baxay warar sheegaya in Al-shabaab ku amreen milkiilayaasha garoomada Salaxa ah ee xiliyada habeenkii lagu cayaaro Kubadda Cagta, ayaa waxaa arintaa jawaab ka bixisay Wasaaradda Amniga xukuumadda Soomaaliya.

3/12/2018 2:12 AM EST
Isniin, Maarso, 12, 2018 (HOL)–Wararka naga soo gaaraya degmada Jowhar ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in ciidamada Booliiska xabsiga dhigeen ganacsato sida lagu waramayo la balansanaa Al-shabaab.

3/12/2018 1:59 AM EST
Isniin, Maarso, 12, 2018 (HOL)–Askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa lagu waramayaa in uu ku dhintay iska horimaad xalay degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ku dhaxmaray ciidamo ka tirsan dowladda iyo Al-shabaab.

3/12/2018 1:48 AM EST
Isniin, Maarso, 12, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa sheegay in uu isaga shaqsiyan amray in lasoo rido diyaarad shacab ah sanadkii 2014-kii, maadaamaa ay wadday bam lagu qarxin lahaa ciyaarihii olimbikada magaalada Sochi ee dalkaasi ka dhacayay.

3/12/2018 1:43 AM EST
Isniin, Maarso, 12, 2018 (HOL)–Maanta oo Isniin ah ayaa lagu wadaa in xildhibaannada Golaha Shacabka yeeshaan fadhiggoodii ugu horeeyay Kalfadhigga Saddexaad, waxaana lagu waramayaa in kulanka maanta noqonayo mid xasaasi ah oo xildhibaannadu dood adag ka yeelan doonaan heshiiskii Dekedda Berbera.

3/12/2018 1:29 AM EST
Isniin, Maarso, 12, 2018 (HOL)-Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa magaalada New Dalhi ee dalka India kulan gaar ah kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha dalka India Narendra Modi.