4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 12, 2018
Muuse Biixi : Xiligan ma haboona wadahadal aan la yeelano Soomaaliya

 

Isniin, Maarso, 12, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo Wareysi gaar ah siinayay TV Hon Cable ayaa sheegay in xiligan munaasab ku aheyn wadahadal ay la galaan Soomaaliya.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeedinayay munaasabadii furitaanka Kalfadhigii 3aad ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in dhaqse u bilaabayaan wada hadaladii ay la lahaayeen Somaliland.

Muuse Biixi ayaa ku raacay hadalkii ka soo yeeray wasiirkiisa arrimaha dibeda Sacad Cali Shire oo sheegay in ay dib u dhigeen si ku-meel-gaar ah wadahadaladii ay la gali lahaayeen Soomaaliya.

‘’Wada-hadaladu mar walba waa ay wanaagsan yihiin, laakiin watigan munaasab kuma aha, waayo yaan la hadalnaa, ma cid aan jirintaankeena aqoosaneyn, Annaga waxa aan dooneyno waa in aan isku soo hor fariisano sidii labo dowladood oo kale, iyaguna taa ma ogola, marka dowladda Soomaaliya iyo gobol Soomaaliya ka tirsan oo kale miyaan u wada hadalnaa.. Maya..’’ ayuu yiri Muuse Biixi Cabdi.

Madaweyne Biixi ayaa ka soo horjeestay in dowladda Turkiga gar-wadeen ka sii ahaato wadahadalo dhaxmara Soomaaliya iyo Somaliland, isaga oo sheegay in ay ku fashilmeen wadahadalladii horay labada dhinac u dhaxmaray.

Dhinaca kale, waxaa uu si adag uga jawaabay go’aankii ay dowladda Soomaaliya ka qaadatay heshiiskii saddex geesoodka ah ee dekedda Berbera.

‘’Horta waxaa is weydiin leh Berbera yaa maamula, kuwa leh heshiiska ayaa ka soo horjeednaa ma imaan karaan Berbera, marka meel aan gacantaada ku jirin oo aadan tagi karin in aad ka hadasho maamulkeeda waa ayaa darro, Annaga kama hadalno waxa ka socda dekedda Kismaayo, kama hadalno tan Boosaaso, waayo waan ixtiraameynaa oo labo dowladdood oo jaar ah ayaan-nahay,’’ ayuu yiri Muuse Biixi.

Qaar ka mid ah xildhibaannada golaha Wakiilada Somaliland ayaa ka soo horjeestay heshiiska oo ay ku tilmaameen mid aan waafaqsaneyn heshiisyadii horey u dhaxmaray xukuumadda Somaliland iyo shirkadda DP World, gaar ahaan waxaa ay xubnaha golaha Wakiiladu diideen saamiga dowladda Itoobiya laga siiyay Dekedda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]