4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 12, 2018
Ganacsato la balansanaa Al-shabaab oo lagu xiray Jowhar

 

Isniin, Maarso, 12, 2018 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya degmada Jowhar ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in ciidamada Booliiska xabsiga dhigeen ganacsato sida lagu waramayo la balansanaa Al-shabaab.

Ganacsatadan ayaa waxaa u yeeray Al-Shabaab, kaddib markii ay ku soo rogeen lacago canshuuro ah oo laga qaado Bakhaarada Ganacsi ee ku yaalla Jowhar.

Ganacsatadan ayaa sheegay in maalintii Sabtidii aynu soo dhaafnay la balansanaayeen Al-shabaab, laakiin u suurta-gali weyday in ay u tagaan kaddib markii ciidamada dowlada ay la wareegeen deegaankii ay ku balansanaayeen ee Gamboole.

Balse Al-shabaab oo mar kale dib ugu soo laabtey deegaanka Gamboole ganacsatada ku wargaliyeen in balantii sideedii tahay oo waxba iska badalin

Gamboole ayaa magaalada Jowhar waxay dhanka Galbeed kaga beegan tahay 50km, waxaa la sheegaa in Al-Shabaab uga furan tahay Maxkamad ay dacwadaha ugu qaadaan dadka isku heysta dhulalka iyo kuwa la soo eedeeyo.

Ganacsatada la xiray ayaa muddo saacado kaddib laga sii daayay Saldhiga Booliska Jowhar, waxaana lagu amray in aanay ka bixi karin magaalada oo aanay u tagi karin Shabaabka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]