Isniin, Maarso, 12, 2018 (HOL) – Madaxweynaha
Ruushka Vladamir Putin ayaa sheegay in uu isaga shaqsiyan amray in lasoo rido
diyaarad shacab ah sanadkii 2014-kii, maadaamaa ay wadday bam lagu qarxin lahaa
ciyaarihii olimbikada magaalada Sochi ee dalkaasi ka dhacayay.
Filim soconaya muddo 2 saacadood ah oo Putin laga duubay, lana soo dhigay
Internetka ayuu ku sheegay in lagu wargaliyay in diyaarad ka timid Ukrain, una
socotay Turkiga, balse lasoo afduubay , lana doonayay in lagu qarxiyo
ciyaarihii magaalada Sochi ee dalka Ruushka.
Balse waxa ay ahayd xog been abuur ah, diyaaradiina lama soo ridin markii
dambe.
Filimkan ayaa waxa uu soo baxayaa waxyar ka hor inta aanan la galin
doorashada madaxtinimo ee dhacaysa 18-ka bishan March.
Duuliyeyaasha diyaaradda Turkish Pegasus oo nooceedu ahaa Boeing 727-800 ayaa
soo tabiyay in qof rakaab ah uu wato bam, diyaaradana uu ku amray in diyaarada
meel kale loo weeciyo.
Putin ayaa sheegay in saraakiisa sirdoonka ay u sheegeen in nidaamka uu
yahay in haddii xaalad tan oo kale ay soo kororto in ay qasab tahay in
diyaaradda lasoo rido, kadibna uu amar ku bixiyay in lasoo rido diyaaradda oo
ay saarnaayeen 110 qof oo shacab ah.
Daqiiqado kadib ayuu heley taleefoon loogu sheegay in qeylo dhaanta ay ahayd
mid been abuur ah.
Dhanka kale mar wax laga weeydiiyay in gobolka Cremea uu ku celin doono
dalka Ukrain ayuu si adag uga jawaabay, sheegayna in aysan waligeed taasi dhici
doonin.
Putin oo taariikhda reerkiisa ka hadlayay ayaa sheegay in isaga awoowgiis uu
cunto kariye u ahaan jirey labo madaxweyne oo Ruushka soo maray oo kala ah
Vladamir Lenin iyo Joseph Stalin.
Spiridon Putin ayaa geeriyooday sanadkii 1965, xiligaas oo 86 jir ahaa.
Xigashada Warkan BBC