Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ka dooddaya heshiiskii Dekedda Berbera
Isniin, Maarso, 12, 2018 (HOL)–Maanta
oo Isniin ah ayaa lagu wadaa in xildhibaannada Golaha Shacabka yeeshaan
fadhiggoodii ugu horeeyay Kalfadhigga Saddexaad, waxaana lagu waramayaa in
kulanka maanta noqonayo mid xasaasi ah oo xildhibaannadu dood adag ka yeelan
doonaan heshiiskii Dekedda Berbera.
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Sabtidii
furay kal-fadhiga 3-aad ee Baarlamaanka labada Aqal Soomaaliya oo ay si wada
jir ah uga qeyb galeen xubnaha Golaha Shacabka.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa goor sii horeysay oo xalay aheyd waxaa
lagu wargeliyay in maanta oo Isniin ah uu jiro kulanka Xildhibaanada Golaha
Shacabka, waxaana laga dalabay in ay ku yimaadaan waqtiga lagu balamay.
Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in heshiis walba oo
hormarineed oo la galayo u idman tahay dowladda Soomaaliya oo kaliya, iyadoo loo soo marayo
hay’addaha dastuuriga ah ee dalka, iyaga oo ku tilmaamay heshiiskii Saddex
geesoodka ahaa ee Berbera mid sharci darro ah.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]