4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 12, 2018
Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo la kulmay ra’iisal wasaaraha dalka India

 

Isniin, Maarso, 12, 2018 (HOL) - Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa magaalada New Dalhi ee dalka India kulan gaar ah kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha dalka India Narendra Modi.

Labada masuul ayaa waxa ay ka wada hadleen siddii labbada dal Soomaaliya iyo Hindiya isaga kaashan lahaayeen dhinacyada arrimaha bulshada khaasatan Caafimaadka iyo waxbarashadda iyo in Shacabka Soomaaliyeed loo fududeeyo dal ku galka Hindiya.

“Waxaan la kulanay Ra’iisal Wasaaraha dalka Hindiya Narendra Modi, runtii kulankaasi oo aad muhiim u ahaa waxaanu kaga wada hadalay siddii labbada dal Soomaaliya iyo Hindiya isaga kaashan lahaayeen dhinacyada arrimaha bulshada, guul ayuuna ku soo dhamaaday” ayuu yiri mudane Khadar.

Ra’iisal Wasaaraha dalka India Narendra Modi ayaa dhinaciisa wuxuu balan qaaday in India ay Soomaaliya si dhaw ugala shaqaynayso xiriirada iskaashi ee arrimaha Bulshada iyo kuwa Dibloomaasiyadeedba.

Wafddiga Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya ayaa inta ay joogaan dalkaasi India kulammo la yeelan doona qaar ka mid ah madaxda ka qayb galaysa shirka halkaasi ka dhacaya oo uu kala hadli doono iskaashiga labada dhinac.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]