Dowladda Soomaaliya oo Beesha Caalamka u soo bandhigtay qorshaha AMISOM lagala wareegayo amniga dalka
Axad, Maarso, 11, 2018 (HOL)- Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali
Kheyre ayaa maanta shir guddoomiyay kulan dowladda Soomaaliya ay ugu soo
bandhigeysay Beesha Caalamka Qorsha ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee
AMISOM lagala wareegayo amaanka dalka.
Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya,xubno
matalayey Beesha Caalamka iyo madax ka socotay dalalka ay ciidamada ka joogaan
Soomaaliya, waxaana lagu sharaxay kulanka qorshaha ciidamada qalabka sida ee
Soomaaliyeed ay AMISOM ugala wareegayaan amaanka Soomaaliya.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh oo lahadlay
warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in qorshahaan oo ay soo diyaarisay dowladda
Soomaaliya la isla ogolaaday, islamarkaana Beesha Caalamka ay u arkeen
qorshahaan mid ku yimid rabitaanka Dowladda Soomaaliyeed oo ay mudantahay in la
isla qaato.
“Muddo bil ku dhow waxaa la diyaarinayey qorshaha ama marxaladii ay
ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed ay xilka amniga kula wareegi lahaayeen,
waana markii ugu horeysay oo lasoo diyaariyo qorshe Anaga aan leenahay” ayuu
yiri wasiirka.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh ayaa intaasi
ku daray in qorshahaan loo arkay mid muhiim ah islamarkaana iminka wixii ka
dambeeya loo gudbi doono wixii farsamo ah.
“Dhamaan dadkii kasoo qeyb galay waxey u arkeen iney tahay muhiim wixii
Soomaali ay leedahay in halkaan la keeno oo aan hogaaminno, waana la isla
ogoladay” ayuu yiri wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.
Mudane Maxamed Mursal Sheekh ayaa sheegay in qorshahaan oo ay leedahay
dowladda Soomaaliya ay ku doonayaan in AMISOM lagala wareego amniga oo si
buuxda ciidanka qalabka sida ay masuuliyadda amni u maamulaan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]