4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 11, 2018
Wasiirka Howlaha Guud ee DF Soomaaliya oo gaaray magaalada Jowhar

 

Axad, Maarso, 11, 2018 (HOL)-Waxaa maanta magaalada Jowhar ee caasimadda Maamulka Hirshabeelle gaaray wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Howlaha Guud iyo Guryeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Eng. Saadaq Cabdullaahi Cabdi.

Wafdigan waxaa caasimadda Hirshabeelle ku soo dhaweeyay Wasiiro, Xildhibaano iyo Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana booqashada Wasiirka lagu sheegay inay tahay qiimeynta baahida guud ee dib u dhiska Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa waxaa ay ka wada hadleen sidii dib u dhis loogu sameyn lahaa wadooyinka iyo dhismayaashii Dowladda ee ku yaalla dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Wasiirka Howlaha guud iyo Guryeynta dowlad goboleedka Hirshabeelle Jaamac Xuseen Xaashi ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay booqashada Wasiir Saadaq, uuna rajeynayo in dib u dhis lagu sameeyo degaanada Hirshabeelle.

Sidoo kale Wasiirka Howlaha guud iyo Guryeynta Dowladda Federaalka Eng. Saadaq ayaa sheegay booqashada ay ku tageen caasimada Hirshabeelle inay la xiriirto sidii qiimeyn loogu sameyn lahaa baahiyada jira.

“Waxaan iskaashi ku sameyn doonaa Wasaaradaha Howlaha guud ee ka jira dowlad goboleedyada dalka iyo Wasaaradda howlaha guud ee dowlada Federaalka Soomaaliya, booqashadan waxaa ay ii tahay midi iigu horeysay, maalmaha soo socda halkan ayaan joogi doonaa” ayuu yiri Wasiir Eng. Saadaq.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]