4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 11, 2018
Xukuumada Somaliland oo muddu u qabatay in Domain-ka Internetka ee “SO” lagu bedeli doono mid madax banaan

 

Axad, Maarso, 11, 2018 (HOL) - Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in Domain-kii Internetka loo isticmaali jirey Internetka ee Soomaaliya muddo sodan cisho ah lagu bedelo Domain madax banaan.

Arrintan ayaa jawaab ah ah go’aam ay xukuumadda soomaaliya soo saartay in shirkadaha Isgaadhsiinta Soomaaliya isticmaalaan Domain-ka “SO” oo astaanka Soomaaliya ka muuqato.

Haseyeeshee wasiirka isgaadhsiinta iyo Tiknooliga Somaliland Dr:Cabdiwali Cabdilaahi Suufi ayaa maanta go’aan ka soo saaray Domain-kii SO ee SOomaaliya ee la isticmaali jirey, waxaana lagu wargaliyey in muddo bil ah ka guuraan oo ay u guuraan Domain-no madax banaan oo gaar loo leeyahay.

War-saxaafadeed uu wasiirka ISgaadhsiinta Somaliland ka soo saaray ka guuradiida Domain-ka “SO”ayaa u qornaa sidan “Tixraaca Dastuurka Somaliland qodobkiisa 1aad faqradiisa 1aad iyo xeer nidaamiyaha Dhismaha wasaaradaha iyo Hay’adaha dawladda (Xeer Lr 01/2018) ee madaxweynuhu SomaliLand soo saaray na xil saaran qaranka Somaliland maamulida adeegsiga isgaadhsiinta iyo Tiknoolojiga sidoo kalena ogsoon raadka uu ku yeelan karo Isticmaalka Top Level Domain “SO” Qaranimadda iyo madax banaanida Somaliland, waxay ay wasaaradda isgaadhsiinta io Tiknoolojiyada Somaliland soo saartay go’aamadan hoos ku xusan ee la xidhiidha Top Level Domain-ka SO.

1. In ay ka reeban tahay adeegsiga Top Level Domain-ka “SO” cid kasta oo cinwaan ku leh Internet-ka sida Jaamacadaha, Shirkadaha, Baananka, ururada maxaliga ah, iyo kuwo dawliga ah e ka diiwaangashan Somaliland.

2. Waxa la farayaa mulkilayaasha mareegaha Internetka adeegsiga imika Top Level Domain-ka SO, in ay muddo sodan maalmood kaga guuraan oo ka bilaabmaysa 12/3/018, una wareegaan Top Level Domain-nadda madaxa banaan ee aan cid gaari lahayn.

3. Marka ay dhamaato mudadda 30-kaa maalmood ee qodobka labaad xusayo waxa la xayiri/ xanibi doonaa mareeg kasta oo isticmaala Top lovel Domain-ka “SO”.”

Dhinaca kale, Guddida kor u qaadidda qiimaha Shiling Somaliland ayaa sheegay in mudadii loo qabtay in boqol dolar wixii ka yar ee Mobileka lagu shuban jirey joojinteedu ay ku eegtahay bisha March 13-keedda.

Sidoo kale, waxa la joojiyey in shirkadaha leh adeegyadda Mobilela lacagta loogu shubto aan mobile-ka dhexdiisa lagu dhex sarifi Karin, iyado toddobadkan ay shirkadda Telesom samaysay adeeg cusub oo mobelka dhexdiisa lagu dhex sarifan karo lacagta Mobilekaaga ku jirta, haseyeeshee adeegaasi cusub waxa ka hor yimid ganacsatadda sarifleyaasha oo sheegay in shaqadoodii ay shirkaddu doonayso inay ku shaqayso.

Guddidan wasiiradan ah oo ka hadlay sadex qodob oo gundhig u ah kor u qaadidda qiimaha lacagta Shiling Somaliland waxa uu u qornaa sidan: “

1. Guddida kor u qaadida qiimaha Shilinga Somaliland waxay ku wargalinaysa bulshada reer Somaliland in 13/03/2018 ay tahay maalintii ugu dambasay ee lagu isticmaali karo Boqol dollar wixii ka yar lacagta telefoonka ka gacanta isku diris iyo ku iibsashado, sidaas darteed laga bilaabo 14/03/2018 shiling Somaliland oo kali ah ayaa lagu shuban karaa adeegyada Zaad iyo E-dahab.

2. waxa ka reeban shirkadaha bixiya adeegyada lacagta lagu isticmaalo Telefoonka gacanta inay u bedelaan Shilling iyo Dollar gudaha Systemka ay ugu gudbinayaan adeegyada macaamiishooda.

3. waxa loogu baaqayaa bulshadda Somaliland in ay derdergaliyaan adeegsiga Shilling Somaliland oo ah lacagta sharciga ah ee Somaliland leedahay.

Shirkadihii lagu amray inay boqol dolar wax ka yar lagu isticmaali Karin Mobile-ka ayaa damacsan inay u bedelaan in Mobileka dhexdiisa laga sameeyo adeeg sarif ah oo dollarka kugu jira lacagta Mobileka ku bedelan Karin shilling SOmalind, taasina waxay ka hor imanaysa go’aan hore looga soo saaray shirkadaha Dahabshiil, Telesom IYO Omaar in aanay wax sarif ah qaban Karin.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.