4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 11, 2018
Soomaaliland oo deegaannadeed ka mamnuucday adeegsiga furaha Internetka dotSO

 

Axad, Maarso, 11, 2018 (HOL) -Somaliland ayaa maanta soo saartay amar ay kaga mamnuucayso jaamacadaha, shirkadaha, bangiyada, urururrada maxalliga ah iyo kuwa dawliga ah inay adeegsadaan cinwaanka Internetka ee Sooomaaliya dotSO.

Todobaadkii dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dib ula soo wareegtay cinwaanka internetka ee waddanka Soomaaliya ee dotSO, waxayna dawladda federaalka ee Soomaaliya sheegtay in tallaabadani ay u horseedi doonto shikradaha iyo meheradaha kaleba inay ka faa’iidaystaan adeegsiga cinwaankaas.

Wasaarada Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Soomaaliland ayaa sheegtay in adeegsiga cinwaankaas uu ka reebban yahay cid kasta oo cinwaan ku leh internetka waxayna sheegtay inay taasi raad ku yeelan karto “Qarannimada iyo Madaxbannaanida” Somaliland, sida lagu sheegay amarkaasi.

Sidoo kale waxaa ay Wasaaraddu sheegtay in Websaytyada furaha dotSO la farayo in ay kaga guuraan muddo 30 malamood gudahood ah oo ka bilaabanta berrito una wareegaan cinwaannada kale ee aan gaarka loo lahayn, sida lagu sheegay amarkaasi.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]