Shaqo joojin lagu sameeyay Agaasime waaxeed iyo farsamo yaqaanno ka tirsan maamulka gobolka Banaadir
Axad, Maarso, 11, 2018 (HOL) - Guddoomiyaha Gobolka
Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow ayaa
shaqada ka joojiyey Agaasimiha Waaxda Farsamada iyo farsamo yaqaanno ka tirsan
waaxdaas oo si sharci darro ah dhul waddo ah ugu cabiray dad rayid ah.
Dhulkan oo ahaa waddo muhiim u ah isu socodka dadka iyo
gaadiidka ee degmada Dharkeenley, waxaa ay laamaha baarista dhulka ee gobolka
Benaadir ay soo xaqiijiyeen in si sharci darro ah ay dhulkan u soo cabireen
shaqaalaha shaqada laga joojiyey.
Guddoomiyaha Gobolka ayaa markii uu xilka la wareegey
digreeto ku joojiyey dhismayaal dhulkan ah, iyadoona baaritaanka lagu ogaaday
in Agaasimaha Waaxda Farsamada ee shaqada laga joojiyey iyo qaar ka mid ah
shaqaalaha waxdaas ay soo gudbiyeen warbixin ay ku musuq maasuqayaan dhulkan.
Eng.Yariisow ayaa sheegay in sharciga la hor geyn doono
qof kasta oo ku lug yeesha musuq maasuqa dhulka iyo bixinta ruqasadaha sharci
darrada ah, taas oo asaas u ah qorsheyaasha Maamulka Gobolka ee ka dhanka ah
musuq maasuqa.
“Waxaan kula dardaarmayaa bulshada Gobolka in ay hubiyaan
dhulka loo cabirayo ama laga iibsanayo iyo sharciyada loo jarayo ka hor inta
aysan maalgashan, si ay uga hortagaan ciqaab iyo ganaax ay ku muteysan karaan
maalgashiga dhulka danta guud.”
Guddoomiyaha ayaa carabka ku adkeeyey muhiimadda ay
leedahay in Maxkamadaha Garsoorka si deg deg ah loo herkeeno eedaysanayaashan,
taas oo horseedaysa guula laga gaaro qorshaha Maamulka Gobolka Benaadir ee ka
dhanka ah musuq maasuqa iyo eexda.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]