4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 11, 2018
Ganacsatada gobolka Banaadir oo qoraal cabasho ah u diray guddoonka labada Aqal

 

Axad, Maarso, 11, 2018 (HOL) - Ganacsatada Gobolka Banaadir ayaa cabasho ka dhan ah Wasaarada Maaliyadda Soomaaliya oo ku aadan canshuur kordhinta waxaa ay u gudbiyeen Gudoonka labada Aqal ee Baarkamaanka Federaalka.

Ganacsatada ayaa qoraalkooda ku sheegay in marnaba aysan ka soo horjeedin bixinta canshuurta, laakiin ay diidan yihiin lacagaha xad dhaafka ah ee lagu soo rogay.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalintii shalay khudbad ka horjeediyay xildhibaannada labada Aqal ayaa ganacsatada ku booriyay in ay bixiyaan canshuurta.

Hadaba Aqriso qoraalka ganacsatada ay u gudbiyeen guddoonka labada Aqal :

 

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]