4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 11, 2018
Qaad lagu gubay degmada Beled-Xaawo iyo Xadka oo wali xiran

 

Axad, Maarso, 11, 2018 (HOL) - Waxaa wali xiran xadka ay wadaagaan degmooyinka Mandera iyo Beled-Xaawo ee dalalka Kenya iyo Soomaaliya, waxaana wararku sheegayaan in arintan dhibaato weyn ku qabaan ganacsatada Qaadka oo maalintii labaad ganacsigoodu xayiran yahay.

Sidoo kale waxaa la joojiyay Qaadkii ka imaanayay dhanka Kenya, iyadoo shalay maamulka deegaanka, iyadoo degmada Beled-Xaawo lagu gudbay Qaad la sheegay in si sharci daro ah looga tallaabiyay dhinaca Xadka.

Mas’uul ka tirsan Maamulka Beled-Xaawo ayaa sheegay in wali Kenya ay Wado xad-gudubyo ka dhac ah dhulka ay Soomaaliya la wadaagto..

 

Dowladda Kenya ayaa marar badan oo hore ku celcelisay kooxaha amaan darada ka geysta gobolka Waqooyi bari ka soo talaabaan xadka ay la wadaagaan Soomaaliya, taasoo keentay ay bilaawdo dhismaha darbi la sheegay in lagu xaqiijinayo nabad-galyada Xaduudda, waxaana uu dhismaha darbigaa khilaaf adag ka dhex-abuuray shacabka labada dhinac.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]