4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 11, 2018
Bariga Ghouta oo Saddex loo kala qeybiyay iyo xaaladda oo sii xumaatay

 

Axad, Maarso, 11, 2018 (HOL) – Dowladda Suuriya ayaa guulo ka gaartay dadaallada ay ugu jiraan qabsashada Bariga Ghouta ee ay mucaaradku haystaan, sida ay wararku sheegayaan.

Ciidammada ayaa xannibay magaalada ugu weyn gobolka, ee Douma, iyagoo mid kalena go`doomiyay, sida laga soo xigtay hay`adda arrimaha bani`aannimada ee Suuriya ee fadhigeedu yahay Britain (SOHR).

Dowladda Suuriya ayaa bishii la soo dhaafay bilowday dagaal ballaaran oo ay dib ugu qabsaneyso Bariga Ghouta, oo u dhow caasimadda Dimishiq.

Tan iyo markaas waxaa lagu soo warramayaa inay dib u hanteen kala bar gobolka, waxaana loo maleynayaa inay dagaalkaasi ku dhinteen in ka badan 900 oo rayid ah.

Qaramada Midoobay ayaa weerarradaasi ku tilmaantay “kuwo aan la aqbali karin”, iyadoo sheegtay inay waxyeello ba`an ka soo gaarto rayidka.

Milatariga dalkaasi ayaa lagu eedeeyay inay beegsadaan shacabka, balse waxay ku andacoonayaan inay isku dayayaan xoreynta gobolka oo ka mid ah goobaha ugu dambeeya ee ay mucaaradku ku xooggan yihiin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]