3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 11, 2018
Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka oo la kulmay madaxda ugu sareysa dalka India

 

Axad, Maarso, 11, 2018 (HOL) – Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Soomaaliya Mahadi Maxamed Guulleed Khadar ayaa la kulmay  madaxweynaha dalka Hindiya Ram Nath Kovind, Ku-xigeenkiisa Venkaiah Naidu iyo  ra’iisal wasaaraha dalka Narendra Modi

Soomaaliya ayaa ayaa qeyb ka noqoneysa dalalka ka qeybgalaya shir caalami ah oo dalkaasi ka furmaya oo lagu falanqeynayo sidii quwadda cadceeda looga faa'ideysan lahaa, waxaana lagu wadaa in shirkaasi uu khudbad ka jeediyo, Ra’isul wasaare xigeenka Soomaaliya. Waxaa Ra'isul wasaare ku-xigeenka safarkiisa ku wehliya Wasiirka Tamarta iyo Biyaha xukumadda Soomaaliya Mudane Saalim Caliyow Ibroow.

Madaxda ugu saraysa dalka Hindiya ayaa wadajir u soo dhaweeyay Ra’iisal wasaare xigeenka Soomaaliya iyo wafdigiisa waxaana uu kala qayb galay kulan casho sharaf ah oo Hindiya ku qaabishay madaxda 121-ka dal oo ka qeybgalaya shirka Caalamiga ah ee International Solar Alliance oo ka furmaya magaalada New Delhi. Shirkaan ayaa muhimad gaar ah u leh dalka Soomaaliya oo qoraxdeeda lagu tilmaamay midda ugu wanaagsan ee korontada laga dhalin karo.

Soomaaliya waxay ka mid tahay wadamada ugu qaalisan ee  qiimaha iibka korontada, dhibaato weyna ku ah ganacsatada rabto in ay warshado ka hirgaliyaan dalka Soomaaliya

 

Booqashada Ra’iisal wasaare ku-xigeenka ku ku joogo wadanka India ayaa waxaa ku wehliya xubno ka tirsan labada aqal ee baarlamanka Somalia.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
3/11/2018 1:58 PM EST
Axad, Maarso, 11, 2018 (HOL)-Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa maanta shir guddoomiyay kulan dowladda Soomaaliya ay ugu soo bandhigeysay Beesha caalamka Qorsha ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM lagala wareegayo amaanka dalka.

3/11/2018 12:04 PM EST
Axad, Maarso, 11, 2018 (HOL)-Waxaa maanta magaalada Jowhar ee caasimadda Maamulka Hirshabeelle gaaray wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Howlaha Guud iyo Guryeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Eng. Saadaq Cabdullaahi Cabdi.

3/11/2018 10:40 AM EST
Axad, Maarso, 11, 2018 (HOL)-Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in Domain-kii Internetka loo isticmaali jirey Internetka ee Soomaaliya muddo sodan cisho ah lagu bedelo Domain madax banaan.

3/11/2018 9:49 AM EST
Axad, Maarso, 11, 2018 (HOL)-Somaliland ayaa maanta soo saartay amar ay kaga mamnuucayso jaamacadaha, shirkadaha, bangiyada, urururrada maxalliga ah iyo kuwa dawliga ah inay adeegsadaan cinwaanka internetka ee Sooomaaliya dotSO.

3/11/2018 9:49 AM EST
Axad, Maarso,11, 2018 (HOL)–Maamulka degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo ayaa maanta goob fagaare ah ku gubay qaad ganacsi ahaan loo keenay magaalada Baladxaawo, kadib markii laba maalin kahor uu maamulku amar ku bixiyay in dadka iyo gaadiidkuba aysan ka talaabi karin soohdinta u dhexeeysa Baladxaawo iyo Mandheera.

3/11/2018 7:40 AM EST
Axad, Maarso, 11, 2018 (HOL) - Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow ayaa shaqada ka joojiyey Agaasimiha Waaxda Farsamada iyo farsamo yaqaanno ka tirsan waaxdaas oo si sharci darro ah dhul waddo ah ugu cabiray dad rayid ah.

3/11/2018 6:22 AM EST
Axad, Maarso, 11, 2018 (HOL)-Ganacsatada Gobolka Banaadir ayaa cabasho ka dhan ah Wasaarada Maaliyadda Soomaaliya oo ku aadan canshuur kordhinta waxaa ay u gudbiyeen Gudoonka labada Aqal ee Baarkamaanka Federaalka.

3/11/2018 5:42 AM EST
Axad, Maarso, 11, 2018 (HOL) - Waxaa wali xiran xadka ay wadaagaan degmooyinka Mandera iyo Beled-Xaawo ee dalalka Kenya iyo Soomaaliya, waxaana wararku sheegayaan in arintan dhibaato weyn ku qabaan ganacsatada Qaadka oo maalintii labaad ganacsigoodu xayiran yahay.

3/11/2018 5:12 AM EST
Axad, Maarso, 11, 2018 (HOL)-Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow ayaa markii ugu horeysay ka hadlay arrinta ku aadan maqaamka caasimada.

3/11/2018 1:14 AM EST
Axad, Maarso,11, 2018 (HOL)–Dowladda Suuriya ayaa guulo ka gaartay dadaallada ay ugu jiraan qabsashada Bariga Ghouta ee ay mucaaradku haystaan, sida ay wararku sheegayaan.

3/11/2018 12:48 AM EST
Axad, Maarso,11, 2018 (HOL)–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in ay soo gaarayeen dacwado iyo cabasho uga imanayay Maxkamadaha iyo Garsoorka dalka.

3/11/2018 12:31 AM EST
Axad, Maarso, 11, 2018 (HOL) –Guddoomiyaha maamulka maamulka Hirshabeelle Cismaan Barre Maxamed ayaa codsaday in gacan laga siiyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, madaama ayuu yiri bilihii ugu danbeeyay Al-shabaab weerarro culus ka geysanayeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

3/11/2018 12:19 AM EST
Axad, Maarso, 11, 2018 (HOL) -Dowladda Itoobiya ayaa shaacisay in 250,000 oo qof ay ku barakaceen iskahorimaadyadii ka dhacay Bilihii lasoo dhaafay xudduudaha Oromiya iyo dawlad degaanka Soomaalida.