Sabti, June, 09, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi
Farmaajo ayaa faray Hey’adaha amniga inay shacabka u sahlaan isu socodka
magaalada oo maalmihii la soo dhaafay ay shacabka dhib ku qabeen, kaddib markii
ay ciidamada xireen jidad dhowr ah.
Qoraal kooban oo uu madaxweynuhu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay
“Waxaan farayaa hay’adaha amniga inay shacabka u sahlaan isu socodka magaalada,
jidadka xiranna loo furo. Nabadgelyadu waxay ku timaadaa wadashaqeyn dhexmarta
labada dhinac. Shacabku waa inay la shaqeeyaan wiilasha iyo gabdhaha u taagan
inay ka difaacaan kooxaha argagixisada”.
Baraha Bulshada ayaa waxaa hareeyay doodo ku saabsan xirnaanshaha
waddooyinka oo dadka meelaha qaar laga celinayo, sidoo kalena gaadiidka lagu
amrayo inay kala wareegaan, waxaana cabashada dadweynaha ay timid, iyadoo loo
diyaar garoobayo maalmah Ciidul Fidriga oo fooda nagu soo heyso.
Madaxweyne Farmaajo ayaa la xusuustaa in xilligii ololaha uu ku jiray iyo
khudbadiisa Musharaxnimada ee uu ka hor-jeediyay Baarlamaanka ku balan-qaaday
in aan jidadka la xiri doonin, awoodda dowladdana aanay shacabka ku caburin
doonin, balse waxaa la is weydiinayaa waxa illaa hada ka dhaqan galay balan-qaadyadaas.
Ciidamada ammaanka ayaa xiray dhamaan waddooyinka soo aada dhanka Wadada
Maka Al-Mukarama iyo Isgoysyada Wadada Wadnaha, waxaana dadka ay lugeynayeen
meelaha qaar ee loo diido in gaadiid lagu maro.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]