4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 9 , 2018
Puntland oo ugu baaqday Ardeydeeda ku sugan Soomaliland in ay ka soo baxaan

 

Sabti, June, 09, 2018 (HOL) – Guddiga difaaca Puntland oo maanta mar kale shir jaraa'id ku qabtay magaalada xarunta ah ee Garoowe ayaa ka jawaabay hadal dhawaan uu jeediyay guddoomiyaha xisbiga UCID ee Soomaaliland, Faysal Cali Waraabe.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland,Cabdullaahi Cali Xirsi (Tima-cadde) wuxuu sheegay inay ahayd wax laga xumaado hadalka Faysal Cali Waraabe oo u sheegay inuu ku baaqay in la'laayo ardayda Puntland ka soo jeedda ee deegaannada wax ka barata.

"Toddobadii bishan June mas'uul u hadlay Soomaaliland oo lugu magacaabo Eng Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay inuusan jirin Shabaab iyo Daacish , wuxuuna ku daray in dadkii ay laayeen ciidamada Puntland inay ahaayeen ciidamo kale oo isagu oggaa magacyo kalana ugu yeeray.. isagoo ku sii daray mas'uulkaasi u hadlay Soomaaliland in la'laayo Ardayda reer Puntland ee wax ka barata jaamacadda Camuud ama Soomaaliland oo dhan." ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Puntland.

Timacadde wuxuu ku baaqay dowladaha la-dagaallama argagisixada iyo dambiyada caalamiga ah inay furaan baaritaan caalami ah oo lugula soconnayo wax uu ku sheegay dhaqdhaqaaqyada "argagixiso ee ay Soomaaliland ka wado Puntland iyo Soomaaliya inteedda kale".

Docda kale, afhayeenka madaxtooyadda Puntland,Cabdullaahi Maxamed Jaamac (Quraan-Jacel) oo shirka jaraa'id qeyb ka ahaa wuxuu sheegay inay dib usoo celinayaan ku dhawaad 900 arday oo ka soo jeedda Puntland, kuwaas oo wax ka barta jaamacadaha ku yaalla Soomaaliland, wuxuu ardayda ugu baaqay inay dib ugu soo laabtan deegannadooda, isagoo si la mid ah jaamacadaha ka dalbadey inay ardayda u fududeeyaan siddii ay waxbarashadooda u wareejin lahaayeen,hadalka oo u sheegay inuu jawaab u ahayd digniintii ardayda ka dhanka ahayd oo u sheegay inuu jeeddiyay Eng Faysal.

Xiisada colaadeed ee u dhaxeysa Puntland iyo Soomaaliland , ayaa muddooyinkii dambe joogto ka dhigtey in hadallo ay warbaahinta isku mariyaan mas'uuliyiin labada dhinac u hadlaya, waxaana hadalkii u dambeeyay ee u jeediyay guddoomiyaha xisbiga UCID cambaareeyay dad ku sugan gudaha iyo dibadda - iyo xata jaamacadda Camuud oo ay dhigtaan ardayda ugu badan ee wax ka barata deegaannada Soomaaliland, kuwaas oo ka soo jeedda Puntland.

Iman Jama