Sabti, June, 09, 2018 (HOL)–Saraakiil Dhalinyaro
Soomaali ah ayaa tababar loogu soo gabagabeeyay dalka Turkiga, halkaasoo muddo
ku baranayeen casharo la xiriira heerarka iyo sharciyada kala duwan ee ciidamada
leeyihiin.
Dhalinyarada Soomaalida oo gaaray 63 sarkaal ayaa
loo tababaray qeybaha kala duwan ee ciidamada, waxaana ay tababar la
qaadanayeen Saraakiil ka socotay NATO, saraakiil ka socday Afrika iyo Aasiya.
G/lle Maxamed Tahliil ayaa ka warbixiyay
tababarka ay ku soo qaateen Turkiga, isagoo xusay in la barayay kulyadda
ciidanimada, isagoo xusay in illaa 36 dowladood saraakiil ka socota ay tababaro
la qaadanayeen.
Saraakiisha dhalinyarada ayaa markii loo soo gaba
gabeeyay Tababarka waxaa la siiyay bilado iyo abaal marino ay ku muteysteen
dhabar adeeggii ay muujiyeen mudadii uu tababarka u socday.
Dowladda Turkiga ayaa ah dalalka sida weyn u
taageera Soomaaliya, waxaana xilligan uu ka qeyb qaadanayaa dib u dhiska iyo
qalabeynta ciidamada xoogga dalka, iyadoo Xero Milateri uu ku leeyahay Muqdisho
ku tababarayo ciidamo Soomaali ah.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]