4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 9 , 2018
Wasaaradda Maaliyada oo ka hadashay hannaanka mishaar bixinta

 

Sabti, June, 09, 2018 (HOL) -Wasiirka Wasaarada maaliyada xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka hadlay wax-yaabihii u qabsoomay wasaarada maaliyada bishii la soo dhaafay ee May.

Wasiirka ayaa ka warbixiyay kulamo uu magaalada Nairobi kula yeeshay hay’addo caalami ah oo ka shaqeeya arrimaha maaliyada iyo dowladdaha qaar ee dhanka dhaqaalaha ka taageero dowladda federaalka Soomaaliya.

Wasiir Bayle ayaa sheegay in maanta ay mushaar siinaya 5,000 oo askari oo ka mid ah ciidanka dowladda kuwaasi oo uu sheegay wasiirka in la marsiiyay hanaanka ay dowladda mushaaraadka ku bixiso.

Waxa uu tilmaamay in askartaasi dhamaantood loo sameeyo Akoono bil walbo lacagta loogu shubayo oo aysan dhici doonin in taliyaashooda loo soo marsiiyo.

Sidoo kale Wasiirka Wasaarada Maaliyada Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in Safaaradaha dibada ay u dirayaan dhaqaalaha ay ku shaqeynayaan.

Waxaa uu xusay Wasiirka in Safiirada ay kula xisaabtamayaan dhaqaalaha dhankooda ka soo gala dalalka ay joogaan, lagana doonayo in ay dowladda la wadaagaan.

Wasiirka ayaa sheegay in ay meel wanaagsan mareyso soo saarista lacagaha Shilling Soomaaliga, wasaaraduna ay wado dadaaladii ugu dambeeyay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]