4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 9 , 2018
Donald Trump oo ka hadlay Askari Mareykanka ah oo lagu dilay Soomaaliya

 

Sabti, June, 09, 2018 (HOL) –Madaxweynaha dalka Mareynkanka Donald Trump ayaa sheegay in uu ka tacsiyeeynayo geerida Askari Mareykanka ah ah looga dilay Soomaaliya, kaddib weerar Al-shabaab ay ku qaadeen iyaga oo ku sugan deegaanka Sanguuni ee dalka Soomaaliya.

Qoraal kooban oo uu soo dhigay Boggiisa Twitter –ka ayuu ku sheegay in uu ka tacsiyeeynayo geerida Askariga Mareykanka ah, isaga oo sidoo kalana sheegay in la dhaawacay Askar kale.

Saraakiil Mareykan ah ayaa xaqiijiyay dilka askariga Mareykanka iyo dhaawaca afarta kale, waxaana ay sheegeen in weeraro madaafiic iyo rasaas lagu soo qaaday ciidamada oo ku sugnaa deegaanka Baar Sanguuni oo qiyaastii Kismaayo Waqooyi kaga beegan 50KM.

Al-shabaab wali dhinacooda lagama hayo faah faahin ku saabsan dilka askriga Mareykanka ah ee lagu dilay weerarkan ay ku qaadeen deegaanka Sanguuni.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]