4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 9 , 2018
Nin iyo Xaaskiisa oo xalay lagu dilay deegaan ka tirsan gobolka Baay

 

Sabti, June, 09, 2018 (HOL) –Wararka ka imanaya deegaanka Awdiinle oo ka tirsan gobolka Baay ayaa sheegaya in rag hubeysan oo la sheegay in ay ka tirsanaayeen Al-shabaab ku dileen Nin iyo Xaaskiisa.

Warka arintan ku saabsan waxaa warbaahinta u xaqiijiyay guddoomiyaha deegaanka Awdiile Cali Xusseen Cali oo sheegay in ay lamaanahan la dilay ka tageen carruur.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in uusan garaneynin sababta loo beegsaday labadan qof oo uu sheegay in ay ahaayeen ganacsato.

“Maqribkii iyaga oo afuray ayaa gurigooda loo galay, caruur ayay isku dhaleen, raggii dilka geystay way baxsadeen, balse ciidamo ayaa ku baxay waxaan rajeyneynaa in gacanta lagu soo dhigo gacan ku dhiigalayaasha” ayuu yiri Gudoomiyaha Awdiinle.

Shacabka ku dhaqan deegaanka gaar ahaan dadkii deriskii la ahaa qoyskan ayaa waxaa ay aad u hadal dhacdadan argagaxa leh, iyaga oo tilmaamay in laftirkooda ay soo wajahday cabsi.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]