8/19/2018
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 8 , 2018
Qaramada Midoobey oo ku baaqday in la joojiyo colaada gobolka Sool


 Jimco, June, 08, 2018 (HOL)-Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in  nabad waarta oo laga gaaro colaadda iyo degenaanshaha ay muhiim u  tahay Soomaaliya oo wajaheysa caqabado ka hortaagan helista dowlad federali ah oo si wanaagsan u shaqeysa.

Qaramada Midoobey ayaa ugu baaqday madaxda Somaliland iyo Puntland in ay joojiyaan colaadda gobolka Sool, ciidamada ay kala qaadaan, oo ay wada hadal isugu yimaadaan, iyo in dhammaan dhinacyada ay ogolaadaan galaangalka gargaarka bani'aadannimo.

Labada maamul ayaa loogu baaqay in ay meel mariyaan, isla-markaana ay ka dhabeeyaan ballanqaadkii ay u sameeyeen beesha caalamka, ee ahaa inay dagaalka joojinayaan.

Qoraalka ka soo baxay Qaramada Midoobe ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay in la xoojiyo taageerada hannaanka federaalka ee dalka, lana dardargeliyo horumarada illaa iyo hadda la sameeyay.

Baaqan ayaa imanaya xilli Puntland iyo Somalilandba ay Gobolka Sool ka wadaan abaabul uu midba u muuqda kuwo sii hurinaya colaada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]







Click here
6/8/2018 12:59 PM EST
Jimco, June, 08, 2018 (HOL)- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Cabdixakiim Cabdullaahi Cumar (Camey) wuxuu beeniyay inuu wada hadal u socda Puntland iyo Soomaaliland, markii ay soo baxday in xubno ka mid ah beesha caalamka ay wadaan waan waan ku saabsan siddii loo qaboojin lahaa xiisada colaadeed ee u dhaxeysa.

6/8/2018 10:14 AM EST
Jimco, Juun 08, 2018 (HOL) -Ciidamo aad u qalabeeysan oo ka tirsan kuwa xoogga dalka qeybta 43-aad ee fadhigeedu yahay Kismaayo oo ay wehlinayeen ciidamada dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maanta gelinkii danbe howlgallo qorsheeysan ka bilaabay deegaanada waqooyi ee gobolka J/hoose.

6/8/2018 8:40 AM EST
Jimco, June, 08, 2018 (HOL)- Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdiga uu hogaaminayo ee ku sugan Jabuuti ayaa booqday degmadda Cali-cadde oo ka tirsan gobolka Cali Sabiix ee dalka Jabuuti,halkaas oo ay ku nool yihiin Qaxooti Soomaaliyeed oo ka barakacay colaadihii dalka ragaadiyay.

6/8/2018 7:07 AM EST
Jimco, Juun 08, 2018 (HOL) - Waxaad duulista hawada ee dalka Kenya ayaa ruqsadii duulimaadka kala noqotay dhawr sharikadood oo ka dhex-duulo dalka dalka Soomaaliya iyo dalalka dariska la ah dalka Kenya.

6/8/2018 4:04 AM EST
Jimco, June, 08, 2018 (HOL)-Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ka digey cadaadis ugaga imanaya gudaha iyo dibbada midnimada dalka Soomaaliya waxana uu goluhu walaac ka muujiyay halista uu ururka Al-shabaab ku haya amaanka dalka Soomaaliya.

6/8/2018 2:56 AM EST
Jimco, June, 08, 2018 (HOL-Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa Khamiistii xil ka qaadis ku sameeyay taliye-yaashii militariga iyo sirdoonka dalkaasi, isagoo kuwo cusubna magacaabay.

6/8/2018 2:34 AM EST
Jimco, June, 08, 2018 (HOL) - Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Khayre oo ku sugan dalka Jabuuti ayaa kulan la qaatay Ra’iisul wasaaraha dalkaas, Cabdiqaadir Kaamil Maxamed iyo qaar kamid ah golihiisa wasiirada.

6/8/2018 2:20 AM EST
Jimco, June, 08, 2018 (HOL)–Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar xalay xooggag ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen saldhigyo ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ku leeyihiin degmada Waajid.