3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 8 , 2018
Dagaallo xooggan oo waqooyiga gobolka J/hoose ku dhexmaray Al-shabaab iyo ciidamada dowladda

Jimco, Juun 08, 2018 (HOL) -Ciidamo aad u qalabeeysan oo ka tirsan kuwa xoogga dalka qeybta 43-aad ee fadhigeedu yahay Kismaayo oo ay wehlinayeen ciidamada dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maanta gelinkii danbe howlgallo qorsheeysan ka bilaabay deegaanada waqooyi ee gobolka J/hoose.

Howlgallada ayaa ka bilowday deegaanno ku dhow deegaanka Buulo-gaduud oo qiyaastii 30-km dhanka waqooyi kaga beegan Kismaayo.

Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka oo ay shabakadda HOL la xiriirtay ayaa sheegay in aysan ilaa hadda sheegi karin qasaaraha dagaalka, maadaama ay howlgalladu socdaan, waxayna xuseen in ay la wareegeen deegaanka Baar-zanguuni oo ay hore ugu sugnaayeen Al-shabaab.

Wixii warar ah ee kasoo baxa waxaan idinku soo gudbin doonnaa wararkeenna danbe.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.












Click here
6/8/2018 12:59 PM EST
Jimco, June, 08, 2018 (HOL)- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Cabdixakiim Cabdullaahi Cumar (Camey) wuxuu beeniyay inuu wada hadal u socda Puntland iyo Soomaaliland, markii ay soo baxday in xubno ka mid ah beesha caalamka ay wadaan waan waan ku saabsan siddii loo qaboojin lahaa xiisada colaadeed ee u dhaxeysa.

6/8/2018 10:57 AM EST
Jimco, June, 08, 2018 (HOL)-Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in nabad waarta oo laga gaaro colaadda iyo degenaanshaha ay muhiim u tahay Soomaaliya oo wajaheysa caqabado ka hortaagan helista dowlad federali ah oo si wanaagsan u shaqeysa.

6/8/2018 8:40 AM EST
Jimco, June, 08, 2018 (HOL)- Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdiga uu hogaaminayo ee ku sugan Jabuuti ayaa booqday degmadda Cali-cadde oo ka tirsan gobolka Cali Sabiix ee dalka Jabuuti,halkaas oo ay ku nool yihiin Qaxooti Soomaaliyeed oo ka barakacay colaadihii dalka ragaadiyay.

6/8/2018 7:07 AM EST
Jimco, Juun 08, 2018 (HOL) - Waxaad duulista hawada ee dalka Kenya ayaa ruqsadii duulimaadka kala noqotay dhawr sharikadood oo ka dhex-duulo dalka dalka Soomaaliya iyo dalalka dariska la ah dalka Kenya.

6/8/2018 4:04 AM EST
Jimco, June, 08, 2018 (HOL)-Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ka digey cadaadis ugaga imanaya gudaha iyo dibbada midnimada dalka Soomaaliya waxana uu goluhu walaac ka muujiyay halista uu ururka Al-shabaab ku haya amaanka dalka Soomaaliya.

6/8/2018 2:56 AM EST
Jimco, June, 08, 2018 (HOL-Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa Khamiistii xil ka qaadis ku sameeyay taliye-yaashii militariga iyo sirdoonka dalkaasi, isagoo kuwo cusubna magacaabay.

6/8/2018 2:34 AM EST
Jimco, June, 08, 2018 (HOL) - Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Khayre oo ku sugan dalka Jabuuti ayaa kulan la qaatay Ra’iisul wasaaraha dalkaas, Cabdiqaadir Kaamil Maxamed iyo qaar kamid ah golihiisa wasiirada.

6/8/2018 2:20 AM EST
Jimco, June, 08, 2018 (HOL)–Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar xalay xooggag ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen saldhigyo ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ku leeyihiin degmada Waajid.