8/21/2018
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 8 , 2018
Ra’iisal wasaare Kheyre oo booqday Qaxootiga Soomaalida ee ku dhaqan dalka Jabuuti


 

Jimco, June, 08, 2018 (HOL)- Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdiga uu hogaaminayo ee ku sugan Jabuuti ayaa booqday degmadda Cali-cadde oo ka tirsan gobolka Cali Sabiix ee dalka Jabuuti, halkaas oo ay ku nool yihiin Qaxooti Soomaaliyeed oo ka barakacay colaadihii dalka ragaadiyay.

Ra’iisul wasaare Khayre iyo wafdigiisa ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay deegaanka ay ku noolyihiin qaxootiga Soomaaliyeed, waxa uuna ka sheekeeyay ra’iisul wasaaruhu dhibaatada ay leedahay Qaxootinimada.

“Waxa aan uga mahad celinayaa dawladda Jabuuti sida walaaltinimada leh ee ay idiin soo dhaweysay. Waa aaminsanahay in halkaan aad nolol ku heysataan, amni ku heysataan, xuquuq aad leedihiin oo qaarkiin shaqo ku heystaan hadana meesha ugu dambeysa ee aad nolol wanaagsan ku heli kartaan waa dalkiinna hooyo.” ayuu yiri ra’iisul wasaare Khayre.

Waxaa uu kula dardaarmay ugu danbeyntii Qoysaska Qaxootiga ah eek u dhaqan Cali-cadde in ay caruurtooda waxbarashada ugu dadaalaan, si marka ay Soomaaliya ku soo laabtaan ay uga qeyb qaataan dadaallada horumarinta dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]







Click here
6/8/2018 12:59 PM EST
Jimco, June, 08, 2018 (HOL)- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Cabdixakiim Cabdullaahi Cumar (Camey) wuxuu beeniyay inuu wada hadal u socda Puntland iyo Soomaaliland, markii ay soo baxday in xubno ka mid ah beesha caalamka ay wadaan waan waan ku saabsan siddii loo qaboojin lahaa xiisada colaadeed ee u dhaxeysa.

6/8/2018 10:57 AM EST
Jimco, June, 08, 2018 (HOL)-Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in nabad waarta oo laga gaaro colaadda iyo degenaanshaha ay muhiim u tahay Soomaaliya oo wajaheysa caqabado ka hortaagan helista dowlad federali ah oo si wanaagsan u shaqeysa.

6/8/2018 10:14 AM EST
Jimco, Juun 08, 2018 (HOL) -Ciidamo aad u qalabeeysan oo ka tirsan kuwa xoogga dalka qeybta 43-aad ee fadhigeedu yahay Kismaayo oo ay wehlinayeen ciidamada dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maanta gelinkii danbe howlgallo qorsheeysan ka bilaabay deegaanada waqooyi ee gobolka J/hoose.

6/8/2018 7:07 AM EST
Jimco, Juun 08, 2018 (HOL) - Waxaad duulista hawada ee dalka Kenya ayaa ruqsadii duulimaadka kala noqotay dhawr sharikadood oo ka dhex-duulo dalka dalka Soomaaliya iyo dalalka dariska la ah dalka Kenya.

6/8/2018 4:04 AM EST
Jimco, June, 08, 2018 (HOL)-Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ka digey cadaadis ugaga imanaya gudaha iyo dibbada midnimada dalka Soomaaliya waxana uu goluhu walaac ka muujiyay halista uu ururka Al-shabaab ku haya amaanka dalka Soomaaliya.

6/8/2018 2:56 AM EST
Jimco, June, 08, 2018 (HOL-Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa Khamiistii xil ka qaadis ku sameeyay taliye-yaashii militariga iyo sirdoonka dalkaasi, isagoo kuwo cusubna magacaabay.

6/8/2018 2:34 AM EST
Jimco, June, 08, 2018 (HOL) - Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Khayre oo ku sugan dalka Jabuuti ayaa kulan la qaatay Ra’iisul wasaaraha dalkaas, Cabdiqaadir Kaamil Maxamed iyo qaar kamid ah golihiisa wasiirada.

6/8/2018 2:20 AM EST
Jimco, June, 08, 2018 (HOL)–Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar xalay xooggag ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen saldhigyo ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ku leeyihiin degmada Waajid.