4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 8 , 2018
Sharikado dayuuradeed oo ka hawlgala Soomaaliya oo ay dawladda Kenya kala noqtay ruqsadii duulimaadka.


Jimco, Juun 08, 2018 (HOL) - Waaxda duulista hawada ee dalka Kenya ayaa ruqsadii duulimaadka kala noqotay dhawr sharikadood oo ka dhex-duulo dalka Soomaaliya iyo dalalka dariska la ah dalka Kenya.

Sharikadaha lagala noqday ruqsadda ayaa waxay buuxin waayeen shuruudihii laga rabay in ay soo dhameystiraan ka hor bishii aan soo dhaafnay ee May 31deedii.

Amarkaan ka soo baxay hay’adda duulista hawada ee dalka Kenya ayaa wuxuu farayaa dhammaan sharikadaha lagala noqday ruqsaddii shaqada in ay si deg-deg ah dib ugu soo celiyaan dayaaradooda ku sugan dalalka dibadiisa. Waxaana loo ogolyahay in ay ka duulaan dalka Kenya oo kaliyah.

Sharikadaha laga joojiyey in ay ka hawl-galaan dibadda dalka Kenya ayaa waxay gaarayaan ilaa 41 sharikadood oo sagaal (9) ka mid ah ay si toos ah uga hawl-galaan dalka Soomaaliya.

Sagaalkaas sharikadood ee Soomaaliya ka hawl-gala oo ruqsadii shaqada lagala noqday ayaa waxay kala yihiin:

1) Freedom Airlines Express, 2) Blue Sky Aviation, 3) Safari Express Cargo Ltd, 4) Flex Air Charters 5) Transafrican Air Limited, 6) Rudufu Limited, 7) East African Air Charters, 8) Skyward Express 9) SAC(K) Limited

Sharikadahaas ayaa ka diiwaan gashan dalka Kenya maadaama ay dowladda Soomaaliya awood u lahayn in ay ruqsad siiso sharikadaha ka duula dalka Soomaaliya.

Ruqsad kala noqoshadaan ayaa waxay ku soo beegmeysaa xilli ay hay'adda Qaramada Midoobey u qaabilsan duulista ee ICAO ay ku sameyn doonto baaritaan (AUDIT) hay'adda duulista ee dalka Kenya ee KCAA.

Halkaan hoose  ka aqriso War-Murtiyeedka ka soo baxay hay'adda Duulista ee dalka Kenya.