4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 8 , 2018
Qaramada Midoobey oo sheegtay in khatar ay ku jirto midnimada siyaasada Soomaaliya

 

Jimco, June, 08, 2018 (HOL)- Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ka digey cadaadis ugaga imanaya gudaha iyo dibbada midnimada dalka Soomaaliya waxana uu goluhu walaac ka muujiyay halista uu ururka Al-shabaab ku haya amaanka dalka Soomaaliya.

Golaha oo shalay kulan yeeshay ayaa waxaa lagu ansixiyay qoraal uu soo hordhigay shir guddoonka golaha ammaanka kaasoo ay ansixiyeen dhammaan xubnaha joogtada ah ee ka kooban 15ka xubnood waxana uu goluhu ku baaqay in sare loo qaado dadaalada lagu doonayo in loogaga hortago saameynta ay ku yeelanayso shaqaaqooyinka siyaasadeed ee ka jira gobolka kuwaasoo ku qulqulaya dalka Soomaaliya islamarkaana la taageero habka federalka ah.

Warkan ka soo baxay Golaha Ammaanka ayaa ku soo beegmay booqasho ay shalay ku tagtay dalka Soomaaliya kaaliyaha xoghayaha guud ee arrimaha Siyaasada Rosemary DiCarlo iyadoo la kulantay madaxda sare ee dowlada Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay Stephane Dujarric ayaa sheegay in DiCarlo ay u cadeysay madaxda Soomaaliyeed in Qaramada Midoobay ay taageerayso dowlada iyadoo sheegtay in midnimada dalka Soomaaliya ay muhiim u tahay horumarka federaalaynta, yareynta rabshadaha,ka guuleysiga xagjirnimada iyo in lala tacaalo arrimaha badi’aanimada si horumar dhab ah ay bulshada u gaarto.

Qoraalka uu soo saaray Golaha Ammaanka ayaa lagu sheegay doorka AMISOM ee ah in ay ku wareejiso ammaanka dalka Soomaliya ciidamo Soomaali ah,taasuu goluhu ku tilmaamay inay qatar ku jirto.

Goluhu waxaa uu soo dhaweeyay doorashadii sida nabada ah ku dhacday ee afhayeenka baarlamaanka iyo dib u howlgalid baarlamaanka federalka.

Sidoo kale goluhu waxa uu hoosta ka xariiqay baahida loo qabo in dowlada iyo Baarlamaanka iyo dowlad goboleedyada ay si wadajir ah ugaga shaqeeyaan danaha dhammaan shacabka Soomaaliyeed,waxana uu goluhu xusay dagaaladii dhowaan dhex maray ciidamada maamulada Puntland iyo Somaliland kaasoo ka dhashay khilaafka ka jira gobolka Sool.

Warka ka soo baxay Golaha Ammaanka ayaa waxaa lagu qeexay in dowlada iyo maamul goboleedyada loogaga baahan yahay in ay horumar ka sameeyaan dhinacyada qeybsiga awoodaha, kheyraadka, dib u eegista dastuurka iyo u diyaargarowga doorashada qof iyo cod ee sanadka 2020.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]