4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 8 , 2018
Dagaal culus oo xalay ka dhacay degmada Waajid ee gobolka Bakool

 

Jimco, June, 08, 2018 (HOL) – Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar xalay xooggag ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen saldhigyo ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ku leeyihiin degmada Waajid.

Al-shabaab ayaa lagu waramayaa in ay labo jiho ka weeraray degmada Waajid, iyadoo ay beegsadeen xeryaha labada ciidan, waxaana halkaasi ku dhexmaray dagaalka hubka waa weyn la’isku adeegsaday.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalku uu ku bilowday qaraxyo iyo gantaalaha garbaha laga tuuro ee baasuukaha/sabanka, ka dibna ay labada dhinac isu adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda oo lagu magacaabo Jaamac Faarax Muuse ayaa sheegay in ay iska difaaceen xoogaggii soo weerarayy, wuxuuna beeniyay wararka sheegaya in Shabaab ay gudaha u soo galeen xaafad ka tirsan xaafadaha degmada Waajid.

Sarkaalkan ayaa carabka ku adkeeyay in ay ka hortaggeen in Shabaabku gudaha u soo galaan xaafadaha degmada, isla-markaana ay dib ugu celiyeen halkii ay ka yimaadeen.

Sarkaalka ayaa sheegay in xoogagga weerarka soo qaaday ahaayeen kuwo xooggan, kuna soo talagalay in wax-yeelo ka gaystaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]